Jowhar (Caasimada Online) – Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Deegaanka Balcad ayaa shalay dhalisay muran siyaasadeed cusub, kaasi oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle.
Doorashada shalay ka dhacday Balcad ayaa eedeeda waxaa dusha loo saaray Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe, isagoo lagu eedeeyay inuu ka leexday hanaankii doorasho iyo shuruucdii uu wax ka saxiixay.
Habka doorashada ayaa ku saleysnaa nidaamka doorashada dadban ee Soomaaliya, oo ah in xildhibaannada golaha deegaanka ay soo doortaan qabaa’ilka dega degmadaas, iyadoo kadibna xildhibaanadaas ay sii doortaan guddoomiyaha golaha ahna kan degmada.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa doorashada Duqa Balcad ku tilmaamay mid “gef iyo jebin ku ah” heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka.
Cali Balcad ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, uu ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban oo xilligeedii dhammaatay, xilli dalku isku diyaarinayo inuu ka guuro hanaankaas.
Eedeynta Balcad kadib, Maamulka HirShabelle oo arrintaan ka hadlay ayaa eedda ka duway Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoo uu maamulka sheegay in doorashooyinka dowladaha hoose ay go’aankooda leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka.
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda ayaa sheegay in mas’uuliyadda doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay shaqo u taalla Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee HirShabelle, isla markaana ay iyagu go’aan ka gaaraan.
“Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka waxaa mas’uul ka ah Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee Dowladda Hirshabelle,” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda HirShabelle.
Si kastaba, doorashadan ayaa imaaneysa xilli ay toddobaadyada soo socda uu qorshuhu ahaa in maamulka HirShabelle ka bilaabato diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo cod, taas oo ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, ayse weli diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

