Farmaajo oo dalab diray kadib xil wareejintiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyan Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa kula dar-daarmay qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeran madaxweynaha cusub, maadama ay dhamaatay doorashada iyo is-kooxeysigii lagu rabay xilka u sareeya ee dalka.

“Waxaa rabaa in aan ku idhaahdo la shaqeeya madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadii waa dhamaatay, waxa la galaya waqti shaqo wuxuuna shaqada u qabanaya umadda Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan ku garab galno oo u Midowno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in uu gacan siin doono madaxweynaha cusub, islamarkaana uu si dhow ula shaqeyn doono inta uu xafiiska joogo.

Farmaajo iyo Xasan ayaa maanta si rasmi ah xilka isugu wareejiyey, waxayna isku muujiyeen niyad wanaag iyo in hore loo socdo oo laga shaqeeyo wax ka qabashada culeysyada badan ee bulshada Soomaaliyeed la daala-dhaceyso.

Madaxweynaha xilka la wareegay ayaa ku guuleystay doorashadii 15-ka May ka dhacday teendhada Afisyoone, taasi oo uu kaga adkaaday madaxweynaha xilka ka dagay ee uu maanta sida rasmiga ah ugala wareegay tallada dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa kasoo baxday sanad iyo dheeri jahwareer siyaasadeed ah, midaasi oo horseed u ahaayeen dib u dhacyada doorashooyinka soo afmeermay.