Cummaan (Caasimada Online) – Madaxwyenaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay qudbad xasaasi aheyd ka jeediyey shirka Ururka Jaamacadda Carabta uga furmay Wadanka Jordan kaasoo ah kulankii 28-aad oo ay yeeshaan.
Haddaba waxaan markaana qodbadiisa kasoo qaadaneynaa qodob hadal farriin aheyd oo uu u diray wadamada ay hadda ka socdaan dagaalada ee ka tirsan Jaamacadda Carabta, wuxuuna usoo jeediyey dardaaran qaali ah.
Madaxweynaha ayaa dowladahaas u sheegay inay Soomaaliya kaga daydaan in la wada fadhiisto miiska wadahadalka isla markaasna aan dagaal waxba lagu gaari karin, aysana jirin cid dagaal ku adkaan karto.
“ Waxaan halkaan dardaaran walaaltimimo ugu soo jeedinayaa wadamada ay hadda ka taagan yihiin Khilaafaadka, loolanka gudaha iyo rabshadaha anigoo leh ka faa’ideysta tijaabadii iyo cashirkii laga bartay Soomaaliya maadaama aysan jirin wax ka fiican in kursiga wadahadalka la wada fadhiisto” ayuu yiri Farmaajo.
“ mar kasta oo uu dagaalka sii socdo waxaa daadanayo dhig, waxaadna ogaataan marka ugu dambeyso inaad magangalyo usoo doonan doontaa kursiga wadahadalka, sidaas darteed waxaa waajib ah inaad hadda joojisaan dhigga daadanayo” ayuu sii raaciyey
“Dhibaatooyinka amniga iyo kuwa bini,aadanimada waa waxyaabaha ugu halisan ee hadda heysta wadamada carabta, waxayna inta badan ka dhalatay Khilaaf gudaha ah, wadamadeena Ciraaq, Siiriya, Libiya iyo Yeman waxaa heysto xaalado dagaal, xasilooni la,aan, iyo amni la,aan”
“ Sidaas darteed waxaan dhammaantood ugu baaqeyna inay dagaalada joojiyaan isla markaasna ay mideeyaan safafkooda, waxaan leenahay waad aragteen tijaabo idinku filan oo qaraar, mana jiro wax ka fiican wadahadalka iyo in miiska wada xaajoodka la fadhiisto, markaas kadibna meel wada jir ah looga soo wadajeesto argagixisada diidan nabadda maadaama ujeedkoodu yahay inay dhammaanteyn na beegsadaan”
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

