26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Farmaajo oo dowladaha carabta ka dalbaday arrin ay horey u weysay dowladdii Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cummaan (Caasimada Online) – Madaxwyenaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay qudbad xasaasi aheyd ka jeediyey shirka Ururka Jaamacadda Carabta uga furmay Wadanka Jordan kaasoo ah kulankii 28-aad oo ay yeeshaan.

Haddaba madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa dowladaha Carabta ka codsaday inay fuliyeen ballanqadkii ay dowladda Soomaaliya ugu sameeyeen Shirkii Soomaaliya lacagaha loogu deeqayey ee ka dhacay Sharma Al-Shiikh.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay bixiyaan ballanqaadkii ahaa inay hal sano Dowladda Soomaaliya siin doonaan bil kasta 10 Malyan oo Dollar si loogu kabo Miisaaniyadda Dowladda maadaama wadanka uusan laheyn ilo dhaqaale oo ku filan qarashaadka ay dowladda u baahan tahay, waxaana ballanqaadkaas ay carabta sameeyeen xilligii ay shaqeeneysay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Farmaajo oo halkaas ka hadlayey ayaa yiri:  “  Waxaan idinka codsanayaa inaad fulisaan ballanqadyadii hore oo aan ka xusi karno midkii ka dhacay Sharma Shiikh ee u gaarka ahaa Sidii kaalmo lacageed oo deg deg ah loo garsiin lahaa Soomaaliya oo aheyd in bil kasta Miisaaniyadda Dowladda lagu taageero 10 Malyan oo Dollar Muddo hal sano ah”

“Waxaana rabaa inaan halkaan mahad ballaaran uga jeediyo dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait oo go,aansatay inay martigeliso shir lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya, anagoo rajeeneyno inuu u qabsoomo sida ugu dhaqsiyaha badan, weliba waxaan ugu baaqeyno dowladaha carabta inay gacan weyn ka geystaan hirgelinta shirkaas maadaama waxbarashada ay kaalin weyn ka qaadan karto xallinta Mushkiladaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso Dhibaatada rabshadaha iyo ka hor tagista in dhalinyarada Soomaaliyed ay ku biraan ururka argagixisada” ayuu sii raaciyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News