Farmaajo oo si cajiib ah madaxda carabta ugu faanay Soomaaliya

Cummaan (Caasimada Online) –  Madaxwyenaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay qudbad xasaasi aheyd ka jeediyey shirka Ururka Jaamacadda Carabta uga furmay Wadanka Jordan kaasoo ah kulankii 28-aad oo ay yeeshaan.

Haddaba waxaan markaana qodbadiisa kasoo qaadaneynaa qodob muhiidm ah oo uu ka hadlay kaasoo ku saabsanaa inuu ku faanay Soomaaliya xilli qaar badan oo ka tirsan dowladaha Carabta ay dhibaato iyo dagaal ku jiraan.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyey dhibaatada badan iyo dagaalada ka jirto wadamada Suuriya, Ciraaq, Yeman iyo Liibiya iyo sida looga gudbi karo dhibaatadaas, wuxuuna ugu baaqay inay nabadda qaataan.

Marka kadib ayuu madaxweynaha bilaabay inuu ku faano Soomaaliya isagoo Shirka Jaamacadda Carabta ka yiri:

“ Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinkaas hareeyay dunida Carabta, haddana waxaan bishaaro idiinkaga wadaa Soomaaliya, oo bilowgii sanadkan ay ka dhaceen doorashooyin, si nabad ah ku dhamaaday oo aan horay loo arag, dimoqraadi ah, xor ah, daah furan oo dunida oo dhan ay daawaneysay, ka soo bilow doorashooyinkii Barlamaanka”

“ Waxaa xigay doorashadii madaxweynaha oo aan ka xamaasad yareyn, taas oo xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ay doorteen madaxweyne cusub iyagoo gudanayo waajibaadkooda dastuuriga ah kana jawaabayo rabitaanka dadkooda oo iyagana soo dhaweeyey natiijada doorashada , sidoo kalana waxaa soo dhaweeyey bulshada Caalamka”

“ Doorashadaas ayaana codka lagu dhiibtay sanaadiiqda cod bixinta, natiijada kadibna waxaa si nabadgalyo ah awooda xukunka ku kala wareegay madaxweynihii hore iyo madaxwyenaha cusub iyadoo ay xaadir ahaayeen bulshada Soomaaliyeed, kuwa Caalami ah iyo saxaafadda gudaha iyo dibadda, markaas kadibna sida dastuurka qabo iyo nidaamka ka jiro Soomaaliya waxaan walaalkeyn Xasan Cali Kheyre u magacabnay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya kaasoo helay kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya , wuxuuna 21 Bishaan March soo magacaabay golaha wasiirada , wuxuuna hor geeyey Baarlamaanka si kalsooni loo siiyo”  ayuu kusoo gabagabeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com