Farmaajo oo hal arrin darteed ugu safray Dalka Sacuudiga (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa safarkii ugu horeeyay ugu ambabaxay Dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa Casuumaad ka helay Boqorka dalka Sacuudiga, waxaana la xaqiijinayaa in casuumaadaasi ay tahay mid salka ku heysa Saldhiga Imaaraadka Carabta ay ka furaneyso magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka dalkaasi ayaa si qoto dheer uga wada hadli doona arrimo ay kamid yihiin Xerada Imaaraadka ee Berbera, Dib usoo nooleynta xiriirka Somalia iyo Sacuudiga, Abaaraha iyo Amniga.

Qodobka ugu weyn ee Dowlada Sacuudiga ayaa ah in Madaxweynaha Somalia ay ka dhaadhiciso inuu ka gaabsado arrimaha ku xeeran Saldhiga Imaaraadka Carabta uu ka dhisan doono magaalada Berbera.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ahmiyad gaara u arka in Dowlada Sacuudiga marka hore ay gargaar la gaarto Soomaalida ku dhaqan Gobolada dalka ee abaaraha saaxiibka u noqday.

Dowlada Imaaraadka ayaa arrinta Saldhigaani u wakiilatay Dowlada Sacuudiga, maadaama Imaaraadku uu dhaqaale ku bixiyay guuldaro ku timaada Musharaxiin uu kamid ahaa Farmaajo, iyadoo dhaqaale kaa lamid ah siisay Musharaxiin ay wadatay waxa uuna ujeedka uu ahaa hirgalinta Heshiiska Saldhiga Berbera.

Dowlada FS ee uu Hogaaminaayo Farmaajo, ayaa dhawaan diiday Heshiiska Saldhiga uu Imaaraadka uga furanaayo Berbera.

Docda kale, Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaan la ogeyn in Boqorka dalka Sacuudiga uu ka aqbali doono in Dowlada Imaaraadka ay Saldhig ka furato magaalada Berbera, waxaana suuragal ah in Somalia ay Saldhig u noqoto Kooxaha Xagjirka ah, waa haddii uu Farmaajo ogolaado soo jeedinta Boqorka Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com