Maxay Puntland ka tiri magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub?

Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa qu ornaa sidan:

Putland waxay si weyn ugu Hambalyeyneysaa Raisul wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta oo 23 Feb uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya U magacaabay xilka Raisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Putland Waxay u aragtaa Mudane Xasan Cali Kheyre in uu yahay Shaqsi kasoo bixi karo masuuliyada loo idmaday , asagoo Horay usoo qabtay arimo badan oo bini aadannimada ah oo ay haatan Soomaaliya baahi badan u qabto.

Putland waxay la shaqeyn doontaa isla markaana gacan siin doontaa Raisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre , waxayna ka rajeyneysa umada Soomaaliyeed in si dhaw loola Shaqeeyo.

ugu danbeyntii Dowlad Goboleedka Putland waxay rajeyneysaa Raisul wasaare  Mudane Xasan Cali Kheyre in uu alle ku asturo xilka loo magacaabay isla markaana uu soo magacaabo Dowlada Tayo leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com