Xog: Yaa ka dambeeyey in xilka ra’iisul wasaaraha uu helo Xasan Cali Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faafhaahin ayaa ka soo baxeysa magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta xilkaasi u soo xushay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa inay jiraan shaqsiyaad ka dambeeyey inuu xilkan uu hanto Xasan Cali Kheyre oo qaraabo dhow la ah xaaska madaxweynaha.

Arrintan ayaa wxaaa xoogeeda ka ka danbeeyey gacan-yaraha Madaxweyne Farmaajo, ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo si weyn uga hor yimid in shaqsi kasoo jeeda beelaha Abgaal ama Habargidir loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha.

Qofka labaad oo madaxweyne Farmaajo ku qanciyay inuu xilkan u magacaabo Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxweyne Farmaajo ku tirtirsiiyay inuu ka dhex baxo loolanka awoodeed ee beelaha Abgaal iyo Habargidir, iyadoo Xasan Cali Kheyre uu ahaa mid ka mida la-taliyeyaasha madaxweyne Xasan Sheekh.

Labadan qof oo saameyn leh oo is-biirsaday iyo Xasan Cali Kheyre oo la sheegay inuu yahay qof ay shaqsiyaddiisa aad u wanaagsan tahay, ayaa u sahlay madaxweyne Farmaajo inuu magacaabo, oo xitaa aanu wax badan sugin.

Dad badan ayaa aaminsan in Ra’iisal wasaaraha la magacaabay uu fursad weyn heysto isla markaana uu la shaqeyn karo madaxweynaha cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com