25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

CIA-da oo sameysay qirasho weyn oo la xiriirta dilkii madaxweyne John F. Kennedy

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay tan iyo dilkii Madaxweyne John F. Kennedy ee ku dhawaad 62 sano ka hor, ayaa hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Maraykanka (CIA) si dadban u qiratay in sarkaal ku takhasusay dagaalka nafsiga ah uu maamulayay hawlgal xiriir la sameeyay Lee Harvey Oswald ka hor dilkii ka dhacay Dallas.

Kashifaaddan oo timid Khamiistii—kuna dhex jirtay qormooyin ka kooban 40 dokumiinti oo ku saabsan sarkaalka George Joannides—ayaa muujinaysa in CIA-du ay tobannaan sano been ka sheegaysay doorkii uu ku lahaa kiiska Kennedy ka hor iyo ka dib dilka, sida ay sheegeen khubaro ku takhasustay baaritaanka dilka JFK.

Dokumiintiga udub-dhexaadka u ah arrintan waa qoraal-xusuuseed ka soo baxay CIA-da 17-kii Jannaayo, 1963, kaasoo muujinaya in Joannides lagu amray inuu qaato magac been abuur ah iyo shatiga darawalnimada oo ay ku qoran tahay magaca “Howard Gebler.”

Ilaa Khamiistii, hay’addu waxay dafiraysay in Joannides loo aqoon jiray “Howard,” oo ahaa magaca sarkaalka kiiska ee xiriiriyaha CIA-da ee la shaqeynayay dhaq-dhaqaaqayaal ka tirsan koox ka soo horjeedda shuucinimada oo mucaarad ku ahayd kaligii-taliyihii Cuba, Fidel Castro, loona yaqaanay Agaasinka Ardayda Cuba (Cuban Student Directorate).

Tobannaan sano, hay’addu waxay sidoo kale si been ah u sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn kooxdaas ardayda, taasoo door weyn ku lahayd in la baahiyo mowqifyadii Oswald ee taageersanaa Castro wax yar ka dib toogashadii dhacday.

“Sheekadii lagu daboolayay Joannides hadda si rasmi ah ayay u dhimatay,” ayuu yiri Jefferson Morley, oo ah qoraa iyo khabiir ku xeel dheer dilka. “Tani waa arrin weyn. CIA-du waxay beddeleysaa heestii ay ka qaadi jirtay Lee Harvey Oswald.”

Macluumaadkan ayaa soo ifbaxay iyadoo qayb ka ah amarka Madaxweyne Trump ee ahaa in dawladdu ay fuliso waajibaadkeeda ku aaddan shaacinta dhammaan dokumiintiyada hoos yimaada Sharciga Diiwaannada JFK ee 1992 (JFK Records Act of 1992).

Wax yar ayaa laga ogaa ku lug lahaanshaha Joannides ee kiiska ilaa kashifaadyo la sameeyay 1998-kii oo hoos imanayay sharciga diiwaannada. Kashifaadyo cusub oo laga qaaday diiwaanno hore loo qariyay ayaa sii wada inay qeybo macluumaad ah ku soo kordhiyaan sheekada.

Joannides wuxuu ahaa madax ku xigeenka laanta CIA-da ee Miami, isagoo kormeerayay “dhammaan dhinacyada waxqabadka siyaasadeed iyo dagaalka nafsiga ah.” Taas waxaa ka mid ahaa in si qarsoodi ah loo maalgeliyo loona haggo kooxda ardayda Cuba, oo inta badan loo soo gaabiyo DRE oo laga soo qaatay magacooda Isbaanishka.

9-kii Ogosto, 1963, in ka badan saddex bilood ka hor dilkii 22-kii November, afar xubnood oo ka tirsan DRE ayaa isku dhacay Oswald magaalada New Orleans xilli uu qaybinayay waraaqo lagu taageerayey Castro oo ay ku qornayd “U Hiili Cuba”. Dhageysigii maxkamadeed ee ka dhashay waxaa tebiyay warbaahinta maxalliga ah.

21-kii Ogosto, 1963, Oswald wuxuu dood kula yeeshay dhaq-dhaqaaqayaasha DRE telefishin maxalli ah, taasoo usii jeedisay dareen dheeraad ah oo warbaahineed isaga oo ah shuuci.

Dilka ka dib, warsidaha DRE wuxuu Oswald ku tilmaamay shuuci taageersan Castro, wargeysyada Miami Herald iyo Washington Post ayaa tebiyay sheekadaas.

Sannad ka hor inta aan Oswald loo aqoonsan inuu yahay pro-Castro, Pentagon-ku wuxuu diyaariyay qorshe la magac baxay Operation Northwoods oo ahaa in weerar been abuur ah laga fuliyo gudaha Maraykanka, laguna eedeeyo Cuba, ka dibna la weeraro.

Dokumiintiyada cusub wax iftiin dheeri ah kuma soo kordhinayaan toogashadii Kennedy ama ma xallinayaan muranka ku saabsan in Oswald uu keligii ahaa iyo in kale. Sidoo kale ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya sababta ay CIA-du u qarisay xiriirka Joannides ee DRE.

Dhammaan diiwaannada la kashifay ilaa hadda waxay muujinayaan sida ay CIA-du been uga sheegtay maalgelinta ama ku lug lahaanshaha DRE. Taas waxaa ka mid ah is-dhexgalka hay’adda ee Guddigii Warren (Warren Commission) (1964), Guddigii Church (Church Committee) (1975), Guddiga Gaarka ah ee Aqalka Wakiillada ee Dilalka (House Select Committee on Assassinations) (1977-78) iyo Guddiga Dib-u-eegista Dilalka (Assassination Review Board) (ilaa 1998).

Joannides kaliya kama warqabin Oswald dilka ka hor—balse wuxuu dilka ka dib door udub-dhexaad ah ka qaatay marin-habaabinta Guddiga Gaarka ah ee Aqalka Wakiillada ee Dilalka.

Waqtigaas, CIA-du waxay Joannides u magacawday inuu noqdo xiriiriyahooda u qaabilsan guddiga. Laakiin isaga iyo hay’addu waxay qariyeen xaqiiqda ah inuu ku lug lahaa DRE, sidaas darteedna uu qayb ka ahaa kiiska Kennedy, wuxuu hakiyay soo saarista diiwaannada CIA-da, wuuna been sheegay.

Qareenkii guud ee guddiga, Robert Blakey, wuxuu 2014-kii marqaati ka furay inuu Joannides weydiiyay wax ku saabsan “Howard” iyo DRE, iyo in “Joannides uu ii xaqiijiyay in aysan heli karin wax diiwaan ah oo ku saabsan sarkaal noocaas ah oo loo xil saaray DRE, laakiin uu sii wadi doono raadinta,” ayuu yiri Blakey.

Baare hore oo guddiga ka tirsanaa, Dan Hardway, ayaa bishii hore marqaati ka hor furay Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada (House Oversight committee) in Joannides uu waday “hawlgal qarsoodi ah” oo lagu wiiqayay baaritaanka Koongareeska ee ku aaddanaa dilka.

Laba sano ka dib markii uu hor istaagay guddiga, Joannides waxaa lagu abaal-mariyay Billadda Sirdoonka ee Muddada Dheer (Career Intelligence Medal) oo ay siisay CIA-da sanadkii 1981. Wuxuu geeriyooday 1990-kii.

Xildhibaanad Anna Paulina Luna, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto Florida oo kormeeraysa guddiga Aqalka Wakiillada ee baaritaanka ku haya dokumiintiyada cusub ee JFK, ayaa sheegtay in Joannides uu “boqolkiiba kun” ku lug lahaa qarin sir ah oo ay samaysay CIA-du.

Morley iyo qaar kale oo wax badan ka qoray dilka Kennedy waxay aaminsan yihiin in saraakiil CIA-da ka tirsan oo iskaa-wax-u-qabso ahaa ay ku lug lahaayeen dilka, laakiin Morley diyaar uma ahan inuu sheego in Joannides uu ka mid ahaa.

Qaar kale, sida qoraaga Gerald Posner, waxay aaminsan yihiin in Oswald uu ahaa ninka keligiis toogashada geystay. Laakiin dhammaantood waxay isku raacsan yihiin in CIA-du ay si daacad-darro ah u dhaqantay ka dib dilkii Kennedy.

“Waa dabeecadda caadiga ah ee CIA-da. Weligood daahfurnaan ma bixiyaan. Runtana ma sheegaan. Way madoobeeyaan. Way isku qasaan. Marka dokumiintiyadu soo baxaan, waxay u muuqdaan kuwo xun,” ayuu yiri Posner.

Afhayeen u hadlay CIA-da ayaa u sheegay warbaahinta Axios in hay’addu “ay si buuxda u fulisay oo ay bixisay dhammaan dokumiintiyada—iyada oo aan waxba laga tirtirin—ee la xiriira dilkii Madaxweynihii hore ee John F. Kennedy, iyadoo u gudbisay Hay’adda Qaranka ee Diiwaangelinta (NARA) si waafaqsan amarkii Madaxweyne Trump, taasoo ah tallaabo daahfurnaan oo aan hore loo arag oo ay qaadday hay’addu.”

Morley iyo Luna waxay sheegeen in Agaasimaha CIA-da John Ratcliffe iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Tulsi Gabbard ay mudan yihiin ammaan maadaama ay dalbadeen daahfurnaan dheeri ah. Sidaa darteed, filo diiwaanno dheeraad ah.

- Advertisement -

Read more

Local News