28.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Wasiir Jamaal oo taageeray qorshaha DF ee Sanaag xilli uu socdo abaabul xooggan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiikii hore ee qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa si weyn usoo dhoweeyay qorshaha la doonayo in gobolka Sanaag oo uu kasoo jeediyo loogu biirayo maamulka SSC-Khaatumo, qorshahaas oo ay si weyn gadaal uga riixeyso Villa Soomaaliya oo garab ka heleyso siyaasiyiin kasoo jeedo gobolka.

Jamaal oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in maanta fursad wayn oo dahabi ay haystaan reer Sanaag, isagoo ugu baaqay inay ka faa’iideystaan, ayna dhistaan maamul ay leeyihiin.

“Maanta waxaa la haystaa fursad dahabi ah oo lagaga bixi karo marxaladdaa adag ee gobolku ku jiro, laguna dhisi karo maamul dadku leeyihiin, midnimadda dalkana sii xoojinaya. ayuu yiri wasiirkii hore wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka horyimid abaabulka ay waddo Puntland ee looga soo horjeedo inay reer Sanaag ay qabsadaan shir looga arrinsanayo aayahooda, gaar ahaan dhismaha SSC.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan gobolka ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamo uu wato guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay taageereyso dowladda dhexe iyo ciidamada Puntland ee ku sugan halkaas oo iyaguna bilaabay dhaq-dhaqaaq ay uga hortagayaan qorshaha Villa Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka wasiir Jamaal oo dhammeystiran:-

Gobolka Sanaag sannado badan wuxuu ku jiray muran siyaasadeed oo ay maamulo isku haystaan — waana tan sababtay horumar la,aanta ka jirta gobolka marka laga eego dhanka arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Maanta waxaa la haystaa fursad dahabi ah oo lagaga bixi karo marxaladdaa adag ee gobolku ku jiro, laguna dhisi karo maamul dadku leeyihiin, midnimadda dalkana sii xoojinaya.

Shir nabadeed lama hor istaagi karo. Cid kasta oo isku dayda inay shirka carqaladeyso ama xoog ku baajiso, iyadaa mas’uul ka noqon doonta cawaaqibka ka dhasha.

Kuwa maanta diidan in dadku shiraan oo aayahooda ka tashadaan waa labo:

Mid dano gaar ah leh oo aan rabin in dadka deegaanku ka baxaan muran ka siyaasadeed iyo horumar la’aanta; iyo mid aaminsan fikir ka gooni-goosad ka ee Soomaaliya lagu kala jarayo.

Shacabka reer Sanaag xaq bay u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, si nabad ahna isugu yimaadaan. Fursadan oo kale ah mar walba lama helo– ha laga faa’iideysto, hana la xaqiijiyo.

- Advertisement -

Read more

Local News