Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in haatan maamulkaasi ay kasoo korortay xiisad culus oo si weyn looga dareemay gobollada Sanaag iyo Highland, halkaa soo ay ka billowdeen dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, loolanka ayaa u dhexeeya siyaasiyiin ay riixayso Villa Somalia iyo hoggaanka sare ee Puntland, iyada oo labada gobol ay galeen marxalad cusub.
Sidoo kale guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo wata ciidamo maleeshiyaad ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha u galay qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo, waxaana kadib la dareemay dhaq-dhaqaaq ciidan iyo xaalad kacsanaan ah.
Cabdirashiid ayaa lasoo warinayaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia, uuna ka shaqeynayo sidii gobolkaas uu ugu biiri lahaa dhammeystirka maamulka SSC-Kkhaatumo, isaga oo qaban-qaabinayo shir guud oo lagu diyaarinayo ergadii metali lahayd gobolka Sanaag.
Dhankeeda Puntland ayaa si weyn uga hortimid dhaq-dhaqaaqan, waxaana ciidamadeeda ay haatan abaabul culus ka wadaan gobolka, si ay uga hortagaan qorshaha Cabdirashiid iyo Villa Somalia ee ku aadan sidii gobolkan uu ugu biiri lahaa maamulka SSC-Khaatumo.
Sidoo kale, Puntland ayaa gobollada Sanaag iyoHighland u dirtay xubno ka tirsan xukuumadda iyo golaha wakiilada, si ay u xoojiyaan dhaq-dhaqaaqa looga hortagayo qorshaha ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana Puntland ay ku dadaaleysaa inay baajiso shirka loo qabanayo reer Sanaag.
Dhinaca kale, waxaa jira cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo labada ciidan ee halkaas ku sugan, maadaama uu sii xoogeynayo loollanka iska soo horjeedo e labada koox, waxaana haatan xaaladda ay u muuqataa mid kasii dareysa.
Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi.
Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase xaaladdan soo korortay ay imaaneysaa, iyada oo shalay dowladda dhexe ay guda gashay dhammeystirka maamulka SSC, waxaana la magacaabay guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa howshaas.