Farmaajo oo ka fiirsanaaya 2 arrin oo dhaqan u noqotay Shaqsiyaadka ku magacaaban Hay’adaha amniga

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka fiirsan doono Hanaanka ay Madaxda Hay’adaha amaanka ku maamulaan Saraakiisha iyo Ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu aad u dhaliilsan yahay hanaanka ay Madaxda ku magacaaban Hay’adaha amniga u maareeyaan xuquuqda Saraakiisha iyo ciidamada ka hooseysa.

Madaxweyne Farmaajo oo ah Taliyaha ugu sareeya ciidamada Qalabka Sida ayaa ballanqaaday inuu wakhti badan siin doono dabagalka Madaxda ugu sareysa Hay’adaha amaanka oo iyagu lagu eedeeyo inay musuqaan xuquuqda ciidamada xaqiijin lahaa amniga.

Madaxweynuhu waxa uu arrintaan la kaashan doonaa Khubaro dhanka amaanka iyo la-taliyayaashiisa dhanka amaanka, waxaana lagu wadaa in lasoo saari doono ciladaha heysta Hay’adaha amniga.

Madaxweynuhu waxa uu si aad ah u dhaliilsan yahay laba qodob oo kala ah:

1-Hanaanka loo maareeyo xuquuqda ciidamada sugi lahaa amniga dalka.

2-Kala saarida nin jecleysiga iyo in Saraakiisha Hay’adaha amaanka lagu kala sareysiiyo aqoonta, halka iminka lagu kala sareeysiiyo nin jecleysi.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Seddexda sano ee uga harsan xilkiisa uu xooga saari doono la dagaalanka Musuqa lagu hayo xuquuqda ciidamada, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ku dhow dhow Madaxweynaha.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili ay jiraan Kiisas musuq ah oo lagu hayo Taliyayaal, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale oo xilal haya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com