Waare oo badbaadada xilkiisa lagu xiray kalaabashada Wareegto uu soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khilaaf meel xun gaaray oo u dhexeeya Madaxda ugu sareysa maamulka HirShabelle iyo Xildhibaanada baarlamaanka maamulka.

Khilaafka oo meel xun gaarsiisan ayaa waxa uu ka dhashay Wareegto uu Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ku magacaabay Taliyayaal ciidan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa magacaabida Taliyayaasha ku sheegay mid aan loo marin waddo sax ah, isla markaana Hoggaamiye Waare ugu baaqay inuu wax kabedelo hanaanka magacaabida.

Xildhibaanada oo ku adkeysanaaya Mowqifkooda ku aadan wax kabedelka hanaanka loo maray magacaabida ayaa Hoggaamiyaha ku wargaliyay inuu wajihi doono xil ka qaadis, waa haddii uu maareyn waayo hanaanka magacaabida.

Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ah baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa sheegay in Hoggaamiye Waare uu xilkiisa ku xiran yahay hadba qaabka uu u maareeyo Khilaafka ka taagan magacaabida Taliyayaasha.

Waxa uu Xildhibaanka yiri ‘’ Waare waxa ay badbaadada xilkiisa ku jirtaa kalaabashada Wareegtada uu ku magacaabay Taliyayaasha, haddii ay dhici weyso waxba kama duwanaan doono Cosoble, waayo xiligaan diyaar uma nihin shaqsi Jecleysi’’

Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanka sheegay inay diyaar u yihiin isla xisaabtan, iyadoo la maraayo waxa uu qabo Dastuurka maamulka.

Dhinaca kale, waxa uu ka digay in Madaxda ugu sareysa maamulka ay maciin bidaan nin jecleysi iyo inay u kala eexdaan Umadda u siman maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com