Boqorka Sacuudiga oo mar qura xilalka ka xayuubiyay Taliyayaasha ugu sareeya ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Boqorka dalka Sacuudiga ayaa waxaa xil ka qaadis loogu sameeyay dhammaan Taliyeyaasha ugu sareeya ee ciidamada Sacuudiga.

Wareegtada Boqorka ayaa waxaa lagu qeexay in xil ka qaadista ay tahay mid lagu doonaayo isbedel dhanka amaanka ah, iyo in Hay’adaha ay sii maamulaan wajiyo cusub.

Wareegtada Boqorka ayaa soo baxday xalay saqdii dhexe waxaana xil ka qaadista lagu sheegay mid la xiriirta fashil dhanka amni oo ku dhacay Taliyayaasha xilalkooda waayay.

Taliyayaasha Militeriga ee xilalkooda waayay ayaa lagu eedeeyay inay ka hoos dhaceen heerkii laga filaayay inay ku tirtiraan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen, halka kuwa khuseeya Amniga gudaha ay si bareera ugu fashilmeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ku sugan gudaha.

Sidoo kale, Boqorka ayaa lagu dhaliilay sida degdega leh ee uu xilka uga qaaday Taliyeyaasha Hay’adaha amaanka, xili ay Xuuthiyiintu ay qorsheynayaan weeraro gudaha ah.

Geesta kale, Talada xil ka qaadista Taliyeyaasha ayaa la xaqiijiyay inay lahaayen qoyska Boqorka oo iyagu u muuqda kuwo boholo kusii wada dalka Barakeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com