Xog: Ismaaciil Cumar Geelle oo digniin iyo talo ku aadan halista shirkadda DP World siiyay madaxweynaha Somaliland

Jabuuti -(Caasimadda Online)-  Madaxweyne Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dhawaan go’aan uu qaatay ku laalay heshiiska maalgashi ee uu dalkiisu kula jiray shirkada DP-World ee dalka Imaaraatka Carabta laga leeyahay ayaa wada hadal qadka taleefanka ah kula yeeshay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, isagoona siiyay talo waayeelnimo oo ku saabsan wax loogu yeeray khataraha iyo halista ku dahaahan heshiisyada Imaaraatku lagalo wadamada caalamka, gaar ahaan dalalka dhaqaalahooda hooseeyo.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo si hoose uu ugu soo bandhigay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wakhtigii uu safarka ku tagay Jabuuti ee xilka Madaxweynaha Somaliland loo dhaariyay ayaa sida la sheegay si hoose farta ugu fiiqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu si qoto dheer u darso heshiiska maalgashi ee ay Xukuumaddiis hore la gashay Shirkada Dp-World islamarkaana uu aad uga foojignaado wax loogu yeeray dabinada iyo xarkaha soohan ee ay wadamo badan oo Geeska Africa ku yaala kala kulmeen heshiisyada maalgashi ee dalka Imaaraatka Caraba iyo Shirkadda Dp-World.

Warar aan la hubin balse laga helay illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Muuse Biixi soo dhaweeyey taladaasi waayeelnimo ee uu u soo guntay Madaxweyne Geelle islamarkaana ay hadda ka muuqato taladaasi talaabooyinka hor dhaca ah ee uu hadda qaaday ee uu ku hurgafayo heshiiskaasi Dp-World, waxaanu durba bilaabay oo uu hor dhigay arimo layaab leh masuuliyiinta Shirkada Dp-World isagoo shuruud kaga dhigay inay ugu horayn dhamaystiraan oo ay bilaabaan mashaariicdii ay balan qaadeen ee kale ee ay ka midka ahaayeen Berbera Corridor iyo dhismaha Deked cusub.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in durba masuuliyiinta Dp-World ka cudur daarteen lacag ay hore u balan qaadeen oo 240-Milyan ahayd oo lagu dhisayay jidka laamiga ah ee Berbera ilaa Wajaale iyagoo sheegay inay bixin karaan oo qudha 80-Milyan arintaasi oo isfaham waa ka dhex abuuri karta Xukuumadda cusub iyo Shirkada Dp-World.

Waxa jira xaalado tuhun leh oo ku gadaaman Shirkada Dp-World ee ay Xukuumaddii hore ku wareejisay Dekedda Berbera oo ah isha keli ah ee Dhaqaale ahaan waraabin jirtay Qaranka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com