26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Farmaajo oo ka hadlay halka ay isku barteen xaaskiisa iyo sababta ay ugu baxday naaneysta “Farmaajo”

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdiso (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyey Sharqil Awsat ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waxqabadkiisa boqolkii maalin ee ugu horeysay iyo waxyaabo badan.

Farmaajo Marka laga soo tago arrimahaas madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shaqsiyadiisa sida taariikhiisa nololeed, halka ay isku barteen xaaska uu hadda qabo iyo sababta loogu bixiyey naaneysta uu caanka ku yahay ee Farmaajo.

Waxaan wax ku bartay Soomaaliya iyo Mareykanka, waxaana ku takhasusay daraasaadka Mareykanka, waxaan ka qalinjebiyay Jaamacadda Buffalo ee gobolka Newyork. Waxaan ahaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeeysay November 2010- June 2011. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la ii doortay 8dii February ee sanadkan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa la weydiiyey halka ay isku barteen xaaskiisa iyo sida ay isku guursadeen.

“Xaaskeyga Seynab Macallin waxan isku barannay Muqdisho, isku xaafad ayaan ahayn oo gurigooda iyo gurigeena ayaa isku dhowaa. Mar kale ayaan Mareykanka ku kulannay aniga oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya ee Washinton iyaduna ay xagga u soo qaxday. 1992 ayaan is guursannay, waxaa inoo jooga 4 carruur ah laba wiil iyo laba gabar.

Sababta loogu bixiyey naaneysta uu ku caaan baxay ee Farmaajo ayaa la weydiiyey madaxweynaha Somalia wuxuuna ku jawaabay:

“Marka hore aabahay ayaa la oran jiray Farmaajo, waa eray Talyaani ah oo waxaa laga wadaa “Bur-cad”. Naaneystaan waxay ka timid sheeko qosol leh; oo ahayd ciidankii talyaaniga ee kontomeeyadii ka talinayay waddanka ayaa soo xiray koox dhallinyara gumeysi-diid ah oo aabahey uu ku jiray, cuntada maxaabiista la siinayay ayaa waxaa kamid ahaa Farmaajada oo Soomaalida intooda badan ku cusbeyd xilligaas, Aabaheey saaxiibadiis waa diideen in ay cunaan, balse isagu horay ayuu u yaqaannay oo wuu cuni jiray wuuna jeclaa waliba, dhallinyarada la xirnaa oo 11 ahaa ayaa isugu soo dari jiray maalin walba qoondadooda, markaas ayuu kaligii cuni jiray, kadib ayey u bixiyeen Farmaajo, maalintaas laga soo billaabo qoyska waxa uu watay naaneystaas anigana sidaas ayey iigu baxday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News