Farmaajo oo kala dhantaalay farxadii aroos ee R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo uu Xasan Kheyre ku kadiyay xilka.

Ra’isul wasaaraha ayaa la xaqiijiyay in xiliga loo magacaabayay xilka uu ahaa mid ku jiray Aroos, ka dhacay Deegaanka Malidi oo ku dhow Lamu, ee dalka Kenya.

Kheyre ayaa la sheegay in xiliga loo magacaabaayay xilka uu ahaa mid ku jiray toddabadiisa arooskiisa, waxaana xigay in Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo uu kala dhantaalad farxada arooska isagoo Kheyre kasoo dajiyay magaalada Muqdisho kuna sooray xilka Ra’isul wasaaraha.

Ra’isul wasaare Kheyre oo aan wali dhameysan farxadiisa ayaa iminka dhexda ka galay Jahwareerka Siyaasada Somalia.

Qoyska cusub ee Ra’isul wasaare Kheyre ayaa iminka wali dhaqan Deegaanka Malidi ee dalka Kenya, waxaana suuragal ah in dhawaan ay usoo guuraan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in magacaabida Golihiisa Wasiirada kadib uu galo Asbuuc nasiin ah si uu u helo jawi degan oo uu ku shaqeynkaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com