Madax ka tirsan K/Galbeed oo loo xiray lunsiga gurmadkii abaaraha

Marko(Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Marko ayaa sheegaya in madax ka tirsan Koofur Galbeed xabsiga la dhigay.

Masuuliyiintaan oo ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha ee Koofur Galbeed ayaa lagu xiray saldhiga ciidamada AMISOM ee deegaanka Ceeljaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa masuuliyiintaan lagu eedeynayaa inay lunsadeen gargaarkii loogu talo galay dadka dhibaateysan ee ku sugan degmada Marko iyo deegaanada ku dhow dhow magaalada.

Ku xigeenka dhinaca amaanka iyo siyaasada ee gobolka Shabeelaha Hoose ookamid ahaa xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa ku jira dadka xabsiga la dhigay, sida xogta aan ku heleyno.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in madaxdaasi haddii seddex maalin ku keeni waayaan cadeynta inay lunsi ka madax banaan yihiin inay xilalkooda weyn doonaan.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu kamid yahay goobaha ugu daran ee ay ka jiraan abaaraha, maadaama wabiga Shabeele oo marayay uu biyaha dhameeyay.

Waxaan la ogeyn masuuliyiintaan sida laga yeeli doono, haddii ay cadaan weyso inay dhaqaalo lunsi ay sameeyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com