Maxay Farmaajo iyo Camey uga wada hadleen kulankoodii labaad ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale xarunta Madaxtooyada Somalia kulan khaas ah ku yeeshay Madxaweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa banaan joog ka ahaa bahda Saxaafada, waxaana la xaqiijiyay inay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhismaha Golaha Wasiirada, Dhaqaalaha ay DFS ku bixineyso abaaraha iyo miisaaniyada dhaqaalahaasi kaga soo aadaya Puntland.

Camey, ayaa Madaxweynaha DFS ugu baaqay inuu soo dhiso Golo Wasiiro ka tayo badan kuwii hore, waxa uuna sheegay in Dowlada cusub ay heysato fursado baaxad leh oo ka duwan kuwii hore.

Camey, waxa uu sheegay in Puntland ay ka go’an tahay inay taageerto isbedelka cusub, waxa uuna cadeeyay in Dowlada ay ka fili doonaan dhaqan galinta cadaalada.

Camey, waxa uu Madaxweynaha dib u xusuusiyay Abaaraha kusii baahaya deegaanada Puntland, waxa uuna ku baaqay in la dadajiyo gargaarka ay Dowlada u qoondeysay Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ballanqaaday in Puntland ay kamid noqon doonto maamulada ugu horeeya ee la gaarsiin doono Gargaarka, waxa uuna dhanka kale, rajo ka muujiyay Hanaanka lagu magacaabi doono Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com