Maxaad ka taqaan dabeecadaha iyo kartida R/W Xasan Cali Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Kheyre waa Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, balse maxaa ka ogtahay dabeecadihiisa kala duwan, waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa dabeecada uu leyahay Ra’isul wasaaraha taasoo uu uga duwanaa Ra’isul wasaarayaashii hore.

Intii uu ku soo dhex jiray shaqada samafalka oo uu madxa ka ahaa Hay’adda Qaxootiga ee Norway NRC iyo Shirkada Soma Oil and Gas ayuu awood buuxda u helay inuu la saaxiibo madaxda ugu sarreyso dalka iyo sidoo kale dowladaha dariska ah.

Xasan Cali Kheyre waa shaqsi jecel shaqada, fir fircoon, hal abuur fiican leh isla markaasna aan jecleyn musuqmaasuqa.

Ku darso waa shaqsi ka duwan dabeecad ahaan Ra’isul wasaraayaashii hore maadaama uu yahay shaqsi ay dhawdahay inuu caroodo sidoo kalana aan qaadan karin wax gardaro ah.

Waa shaqsi aad ugu fiican xiriirka dowladaha dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya, wuxuuna inta badan ka shaqeyn jiray gudaha Kenya.

Siyaasigii ugu dambeeyey oo uu barto waxa uu ahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saacado kooban gudahood ka dhigay Ra’isulwasaaraha oo ay dagaal xoogan ugu jireen siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com