Ethiopia oo fashilisay qaraxyo lagu burburin lahaa biyo xireenka Nile (Yaa ka dambeeyey?)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay fashilisay Qaraxyo la doonaayay in lagu burburiyo biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee magaciisa loo soo gaabiyay ‘GERD’.

Dowladu waxa ay sheegtay in ujeedka Qaraxyadaasi uu ahaa in lagu burburiyo biyo xireenka dhismihiisu qaatay dhowrka sano, waxa ayna tilmaantay in Qaraxaya ay soo saaren ka hor inta aanu dhicin.

Zadig Abraha oo ah Wasiiru dowlaha xafiiska Warfaafinta Ethiopia, ayaa sheegay inay burburiyeen Kooxihii damacsanaa weerarka oo laga soo abaabulay dalka Eritrea, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Kooxaha falkaasi damacsanaa ay ka tirsanaayen jabhada xoraynta Benishangul Gumus kuwaa oo la sheegay in abaabulkeeda ay laheyd Eritrea.

Zadig Abraha ayaa yiri ”Kooxaha damacsanaa Qaraxa waxa ay gaarayaan 20, waxaan dilnay 13, 7-da soo hartay waxa ay u baxsadeen dalka Sudan”

”Dhismaha Biyo xireenka waxa uu socday muddo farabadan kuma raali noqon doono in si sahlan lagu burburiyo”

Dhinaca kale, Zadig Abraha ayaa dhinacyada mucaaradka ugu baaqay inay ka fogaadan waxyaabaha dib usoo celinkara colaadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com