25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Farmaajo oo la xiriiray Uhuru iyo qodob la xiriira diyaaradii dhacday oo la isku raacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo kala hadlay diyaaraddii shalay kusoo dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Diyaaraddaas ayaa waxaa lahaa shirkadda African Express, waxayna ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya. Dadka ku dhintay ayaa waxaa sidoo kale ku jiray laba duuliye oo Kenyan ah, oo lagu kala magacaabo Mabruk Islam Sherman iyo Omar Chiraghdin, kuwaas oo kasoo jeeday Mombasa.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku sheegay twitter-ka inuu Madaxweynuhu uga tacsiyeeyey dadka ku dhintay diyaaraddii shalay ku dhacday meel u dhow magaalada Bardaale.

Madaxweynaha Soomasliya ayaa ballanqaaday baaritaan buuxa, oo lagu sameeyo dhacdadaas.

Dhinaca kale, warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in la isku raacay baaritaan wadajir ah oo dhacdadan lagu sameeyo kadib madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku marti-qaaday in mas’uuliyiinta hay’adda duulista Kenya ay ka qayb qaataan baaritaanka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa la sheegay inuu soo dhoweeyey caasumadda Farmaajo ee la xiriira baaritaanka wadajirka ah, ayaga oo adkeeyey hanaan daahfuran oo si deg deg ah loogu sameeyo dhacdadan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay soo caddeyso sababta ay diyaaradda usoo dhacday, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto.

- Advertisement -

Read more

Local News