Xiisad ka dhex aloosan Dr. Gaboose iyo Muuse Biixi oo si weyn looga deyriyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhawaan weerar siyaasadeed ku qaaday Dr. Cabdi Gaboose oo isagu hore dhaleeceyn kulul u jeediyay xukuumada Biixi, taasi oo sarre u sii qaaday xiisada ka dhex aloosan labada dhinac.

Madaxweyne Biixi ayaa Dr Gaboose ku eedeyay inuusan isaga laftigiisu fulin waxyaabihii uu ku dhaliilayay xukuumada ee kala fogaanshaha dadka, maadama uu cudurka Coronavirus uu ku baahay deegaanada Somaliland.

Biixi ayaa si weyn ugu duray kulan ahaa afur wadareed oo uu Dr Gaboose u sameeyay shaqaalihiisa ka howl-gala isbitaalka Haldoor, taasi oo uu Biixi ku macneeyay in uu Gaboose is-burinayo, isla markaana hadalkiisa iyo ficilkiisu islahayn.

Hadalka Biixi ayaa sarre u sii qaaday xiisada labada dhinac, xili ay dhowr jeer weerar siyaasadeysan isku qaadeen, iyada oo Siyaasiyiinta iyo Bulshada reer Somaliland, ay u arkayeen in Biixi uu culeys siyaasadeed kala kulmayo Dr. Gaboose.

Dr. Cabdirisaaq Cusmaan Gaboobe oo kamida dhakhaatiirta reer Somaliland, ayaa xiisadaasi si weyn uga deyriyay isagoona nasiib daro ku tilmaamay weerarada siyaasadeed ee isku qaadeen Muuse Biixi iyo Dr. Cabdi Gaboose.

Dr. Gaboobe ayaa sheegay in xiligan dagaalka lagula jiro cudurka safmarka ah ee Coronavirus, aysan munaasib aheyn in uu bilowdo dagaal siyaasadeed cusub oo wiiqa awoodii si wada-jir ah loogula dagaalami lahaa cudurkaasi, oo dhawaan qofkii u horeeyay ugu geeriyooday gudaha Somaliland.

Xiisada Muuse Biixi iyo Dr Gaboose ayaa imaneysa xili ay hoos u dhacday mucaaradadii xukuumada Muuse Biixi, maadama la rumeysan yahay in uu Biixi gacanta ku dhigay hogaamiyeyaasha Mucaaridka, oo iyagu u muuqda kuwa badanaa u sacaba tumo talaabooyinka siyaasadeed ee xukuumada.