Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliye cusub oo uu yeelan doono.
Amiin Axmed Sheekh Cabdiraxmaan ayuu madaxweyne Farmaajo u magacaabay la taliyaha Arrimaha dhaqaalaha iyo Maamulka oo lagu tilmaamay inuu yahay boos muhiim ah.
Amin ayaa waxaa lagu magacaabay wareegto rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo wuxuuna qeyb ka noqon doonaa la taliyayaasha tirada badan ee uu Madaxweynaha leeyahay.
Amiin Axmed Sheekh ayaa ah shaqsi ku cusub saaxadda Siyaasadda Soomaaliya, waxaana durba loo dhiibay xil muhiim ah, waxana midaan qeyb ka tahay magacaabista iyo xil ka qaadista ay ku caan baxday dowladda Farmaajo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]