Muqdisho(Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan khaas ahaa oo dhexmaray Boqor Salman bin Abdulaziz iyo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Boqorka Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz uu mar kale si gaara Farmaajo uga dalbaday in dowladiisa ay taageerto isbaheysiga Sacuudiga ee lidka ku ah dowlada Qadar.
Boqor Salman bin Abdulaziz, ayaa la sheegay in Farmaajo uu u sameeyay ballanqaad gaara oo hirgali doona wixii ka danbeeya ku dhawaaqida go’aanka ay dowlada Somalia ku taageereyso Isbaheysiga Sacuudiga.
Farmaajo oo dhinacyo badan ka eegaaya xalada ay ku jirto Somalia ayaa Boqor Salman bin Abdulaziz ka dalbaday inaan Somalia loo horseedin dhibaatooyin maadaama ay iminka kasoo kabaneyso burbur.
Waxa uu Farmaajo mar kale ka cudurdaartay in dowlada Somalia ay dhinac ka noqoto xiisada ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka.
Balse waxa uu Farmaajo u sheegay Boqor Salman bin Abdulaziz, in mar kale uu khilaafka Khaliijka hordhigi doono Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.
Sidoo kale, Boqor Salman bin Abdulaziz, ayaa soo dhaweeyay cudurdaarka Madaxweyne Farmaajo, inkastoo uu ku wargaliyay in dowladiisa Sacuudiga ay rajo ka qabto in Somalia ay ku biirto xulafada.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saaray inuu wax soo kordhinaayo go’aanka ay maamul Goboleedyada ku taageeren xulafada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

