Xog-warran Waa sidee mowqifka Juxa ee Arrinta Galmudug iyo waraaqdii dhawaan kasoo baxday Wasiiru Dowlaha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhawaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa soo saaray waraaq uusan la ogeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo safar shaqo ugu maqan dalka Debadiisa.

Horey ayaan idinkugu soo gudbinay inuusan Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha aysan ka war qabin waraaqda lasoo saaray xilli saq dhexe oo ay dadka jiifaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan mowqifka Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegayo inuu Wasiirka aad uga carooday falkii uu ku kacay Wasiirul dowlaha.

Waa Sidee Mowqifka Juxa ee Waraaqdii kasoo baxday Wasiiru Dowlaha?:

Sida aan xogta hoose ku heleyno Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa mowqif adag ka qaatay waraaqdii uu soo saaray Wasiiru Dowlaha, wuxuuna ficilkaas ku tilmaamay inuu yahay mid ka baxsan sharciga iyo dastuurka Dalka u yaal, maadaama uu yahay Shaqsiga Mas’uulka ka ah Wasaaradiisa.

Wararka ayaa sheegayo inuu Cabdi Faarax Juxa arrintaan wadatashi kala leeyahay Ra’isulwasaare Kheyre iyo golaha Wasiirada, wuxuuna si cad ugu sheegay inuusan arrintaas raali ka noqon karin isla markaasn uu saxaafadda kala hadli doono haddii uusan Ra’isulwasaaraha ka hadlin faragelinta lagu sameeyey Wasaaradiisa oo uu isaga Mas’uul ka yahay sida uu qabo Qodobka 102-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Cabdi Faarax Juxa lagala hadlay sidii uu u taageeri lahaa waraaqda kasoo baxday Wasiiru Dowlaha ee lagu ansixiyey inuu Xaaf  dhacay  maadaama ay 17 Xildhibaan xilka ka qaadeen, waxayna xogta sheegeysaa inuu Juxa ku tilmaamay arrintaan sharci darro uusana taageeri karin si kasta iyo ujeed kasta oo laga leeyahay.

Cabdi Faarax Saciid Juxa oo ah nin ku adkeysta mowqifkiisa sida laga bartay markii ay is qabteen xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda ayaa 100% ka ku adkeystay inuusan marnaba faragelin doonin foodada ka taagan Maamulka Galmudug.

 Mowqifka Juxa ma wuxuu yimid waraaqda kadib?

Sida aan xogta ku heleyno go’aanka Juxa ma uusan imaan waraaqda uu soo saaray Wasiiru Dowlaha kadib, balse waxaa naloo xaqiijiyey in Juxa lagala hadlay arrintaan iyo inuu faragelin ku sameeyo Galmudug inta uusan Xamar ka tagin, balse Juxa ayaa arrintaan diiday isagoo sheegay inuusan wax sharci darro ah ka sameyn karin Maamulada dalka ka jiro iyo wasaaradiisaba

Muxuu ku saleysan yahay Mowqifka Juxa?

Mowqifka Juxa ee arrintaan ayey qabaan falanqeeyayaasha siyaaadda inuu ku saleysan yahay Dastuurka Soomaaliya, sababtoo ah wasiir Kasta isagaa Mas’uul ka ah Shaqada wasiiradiisa ayaa lagu yiri qodobka 102-aad ee Dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale Falanqeeyayaasha qaar ayaa qabo inuusan Juxa siyaasad ahaan marnaba geli karin Kiiska Galmudug, Maadaama magaca (Galmudug) iyo Puntland oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo Wasiirka ay dhawr jeer hore is dagaaleen isla markaasna laga cabsi qabo haddii Juxa uu xataa go’aan saxan ka qaato wax ka taagan cadaado inay saameyn ku yeelan karta dadka dago labada deegaan iyo weliba inay hoos u ridi karto sumcadda Wasiirka oo heerar kala duwan siyaaadda kasoo qabtay.