Sababta keentay inuu Shariif Xasan ka shaqeeyo War Murtiyeedkii Maamul Goboleedyada (Siyaasad ku dhisan Weerar iyo Difaac)

Baydhabo (Caasimadda Online) – Sida aad horey wararkeena uga akhrisateen Madaxda 4 kamid ah maamul goboleed dalka ayaa soo saaray war murtiyeed wadajir ah oo ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee sii murgeysa ee ka jirta dalka, iyagoo ka digay in gaabis ku yimaado iskaashiga iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

War murtiyeedka oo si wadajir ah ugu qornaa hal waraaq ayaa lagu cambaareeyay fara gelinta lagu haayo dowlad goboleedka Galmudug iyo sida ay u maareyneyso dowladda Federaalka.

Waxaan horey idinkula wadaagnay inuu arrintaan ka shaqeeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh oo Madaxda maamuladaas ku qancinay inay waraaqdaan ogoladaan, sidaas ayaana waraaqdaan loogu diyaariyey Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Haddaba waxaa is waydiin mudan sababta keentay inuu Shariif Xasan dadaalkaan dheeriga ah bixiyo isla markaasna uu ka shaqeeyo in dowladda la cambaareeyo?

Sida ay noo sheegeen illo wareedyo aad ugu dhow madaxweyne Shariif, waxaa jiro culeys dowladda Soomaaliya uga imaanayo Maamulka Koonfur Galbeed kaasoo lagu doonayo in mooshin looga keeno Shariif Xasan si booska looga saaro, sidooo kalana uu jiro qorsho la rabo in meesha looga saaro Dhammaan madaxdii hadda talayada hayo ee Maamul Goboleedyada.

Shariif oo ah nin yaqaan meesha ay u dhaceyso siyaasadda sidoo kalana ku xeel dheer siyaasadda ku dhisan weerar iyo difaac ayaa bilaabay inuu ka shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa inay dowladda Soomaaliya ku guuleysato ololaha ay ku dooneyso inay xilka uga qaado Xaaf.

Shariif oo aaminsan in haddii uu meesha ka baxo Xaaf uu yahay Madaxweynaha xigo ee seefta kusoo socoto ayaa bilaabay inuu qaado siyaasad ku dhisan Difaac garabna u fidiyo saaxiibkiis ay Imaaraadka isla aadeen ee Xaaf.

Inkastoo Shariif Xasan uusan u jilicsaneyn sida fudud ee faragelinta loogu sameeyey Hirshabelle iyo Galmudug maaadaama uu yahay nin ay inta badan ku xiran tahay isbadalka siyaasadeed ee Soomaaliya sidoo kalana xiriir dhow la leh Itoobiya ayaa Baydhabo ka mamnuucay in wax shir siyaasadeed ah lagu qabto Baydhabo iyo deegaanada Koonfur Galbeedka taliso.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aamisan inay dowladda Soomaaliya hab qaldan u martay inay ka hor timaado go’aankii ay Maamulada Goboleedyada soo saareen oo ah inay taageereen Imaaraadka, waxaa jira habab siyaasadeed oo kala duwan oo kiiskaas lagu wajihi karay xalna looga gaari karay.