FARMAAJO oo markii ugu horreysay amaanay Xasan, fariinna u diray mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah u soo jeediyey inay meel iska dhigaan danaha shakhsiga ah oo ay muujiyaan walaalnimo, wadajirna ay u soo dhaweeyaan guusha ay Soomaaliya ka soo hoysay kiiska badda ee xukunkiisa kama dambeysta ah ay riday maxkamadda ICJ.

Farmaajo oo aad u soo dhaweeyey xukunkii maxkamadda, isla markaana sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay, una hoggaansameyso xukunkaas ayaa sheegay in guushaan aysan sheegan karin cid gaar ah.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay fagaare ka qiray wanaag uu sameeyey madaxweynihii isaga ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa xusid mudan, doorkii sharafka lahaa ee walaalkey madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabay geedi socodkii cadaaladeed ee lagu difaacayey badda Soomaaliyeed oo ay sheegatay Kenya,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Mucaarad iyo Muxaafid aysan kala laheyn guushaan Soomalaiya uga soo hoyatay kiiska badda ay muranka gelisay Kenya, isagoo ku tilmaamay guushaan ay dhaxli doonaan jiilka dambe ee Soomaaliyeed.

“Guushani ma aha mid u soo hoyatay cid gaar ah, mana kala lahan muxaafid iyo mucaarid, mana aha libin ay leeyihiin shakhsiyaad kooban balse waa guul ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waana guul ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale intii uu jeedinayey khudbadaas waxa uu sheegay in isagoo ka faa’iideysanaya fursadaas uu siyaasiyiinta kale ee ka soo hor jeeda uu ka codsanayo inaay muujiyaan midnimo iyo farxad xukunkaan maxkamadda awgiis.

“Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto inaan ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta walaalahay ah inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qarankeenna, annaga oo meel iska dhigayna danaha shakhsiga ah iyo aragtiyada kala duwan ee aan ka leennahay siyaasadda dalka,” ayuu yiri madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo.