Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku soo dhaweeyey gogosha uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo soo gudbiyey talooyin wax ku ool ah.
Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka inay gogosha yimaadaan, si loo gaaro wadatashi miro dhal ah.
Sidoo kale Farmaajo ayaa farriin u diray Xasan Sheekh, isagoo kula taliyey inuu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Farmaajo oo dhameystiran:
Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi Qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo Dastuurka.
Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugayaa in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo caqabad ku noqonaya dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.
Dhammaad


