Farmaajo oo Rooble kaga adkaaday loolankii Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulalahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Shacabka iyo Ciidan hubeysan ayaa kusoo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradii siday Cali Guudlaawe waxaa ka horeeyey laba diyaaradood oo ciidan siday. Inta uusan Cali Guudlaawe tagin magaalada ayaa la duqeeyey garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif, taas oo sababtay inay dib u laabato mid kamid ah diyaaradihii siday ciidanka, iyadoo ku laabatay magaalada Jowhar.

Hase yeeshee illo muhiim ah ayaa noo xaqiijiyey in xoog loo sheegtay duuliyihii diyaaradda oo ciidanku ay ku qasbeen inuu ku laabto Beledweyne.

Maamulka Hirshabelle qeyb kamid ah ayaa xaliyey arrintaan, kadibna diyaaraddii ayaa mar kale u kacday Beledweyne. Saraakiil hubeysan oo ay ugu magac weynaayeen General Xuud iyo Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere ayaa si weyn u diidanaa in muddo ah inuu Guudlaawe tago Beledweyne.

Xalay ayaa ugu dambeysay waxayna hanjabaad u jeediyeen dadka doonaya inay Guudlaawe xoog ku geeyaan Beledweyne, balse ciidanka ay geysay dowladda federaalka ayaa xalay la wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif illaa xerada Lama-galaay oo ah halka loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada 25-ka kursi ee Golaha Shacabka.

Guudlaawe wuxuu in muddo ah raajicinayey inuu si nabad ah ku tago magaalada Beledweyne, wada-hadalo badan oo arrintaas laga galay ayaa guul dareystay.

Siyaasiyiinta reer Beledweyne, gaar ahaan Beesha tabashada qabta ayaa ku kala qeybsan imaatinka Cali Guudlaawe. Si walbaba Guudlaawe wuxuu Beledweyne tagay iyadoo aan la xalin tabashadii ay qabeen qeyb kamid ah reer Beledweyne.

Illo ka tirsan xafiiska Cali Guudlaawe waxay sheegeen inuu Cali weli rabo inuu si madani ah wax u xaliyo oo uu la kulmi doono bulshada iyo madaxda beelaha dagan magaalada Beledweyne.

Inta uu Beledweyne joogo Cali Guudlaawe ayaa la filayaa in la guda galo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Beledweyne.

Guudlaawe ayaa horay u diiday inuu shaaciyo liiska kuraasta taalla magaalada Beledweyne, isagoo aan tegin magaalada. Villa Somalia waxay u muuqataa inay gaartay qeyb kamid ah ujeedooyinkii ay ka laheyd kuraasta taalla magaalada Beledweyne.

Dhawaan xubno ka tirsan kooxaha ololaha ee madaxweyne Farmaajo ayaa tagay magaalada Jowhar, waxay kala hadleen Cali Guudlaawe inuu soo daayo liiska kuraasta taalla Beledweyne, balse wuxuu Cali mar kale ku xiray inuu tago Beledweyne.

Kooxda Farmaajo ayaa la sheegay inay markaas go’aansadeen in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu geeyo magaalada Beledweyne, si uu liiska u faafiyo, iyaguna shaqo badan ay uga qabsadaan halkaas.

Yuusuf Dabageed oo ah hoggaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabelle ayaa weli si buuxda ula shaqeenaya kooxda madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidankii ay dowladdu geysay magaalada Beledweyne ee Gorgor iyo Haramcad ayaa shalay qabtay shaqadoodii koowaad, kadib markii ay ku guuleysteen in Cali Guudlaawe laga dejiyo magaalada Beledweyne.

Ciidankaan oo xukuumadda Rooble ay soo jeedisay in laga soo celiyo magaalada Beledweyne ayaa lagu guul-dareystay dalabkaas, iyadoo taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage uu arrintaas si cad u diiday.

Kooxdii ciidanka u badnaa ee diidanaa in muddo ah in Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne ayaa weli gadoodsan, waxaase jira warar sheegaya in la isku dayayo in arrintooda mar kale wada-hadal lagu xaliyo, maadaama ay ku guul-dareysteen inay Guudlaawe u diidaan Beledweyne.

Markii la eego sida ay hadda wax ku socdaan kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa ku gacan sareeysa arrinta mMagaalada Beledweyne.

Wafdi wasiirro ah oo ay shalay xukuumadda u dirtay magaalada Jowhar oo la kulmay Guudlaawe rabayna inay arrinta wada-hadal ka galaan oo ay kaalin ku yeeshaan ayaa natiijo la’aan ku laabanaya magaalada Muqdisho, maadaama uu Cali Guudlaawe heshiis la’aan uu tagay magaalada Beledweyne, iyadoo ay ammaankiisa sugayaan ciidankii ay xukuumadda qaadacday tagistooda magaalada Beledweyne.