Farmaajo oo saddex qodob kala hadlay Abiy Axmed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

War kooban oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Abiy Axmed oo haatan ah saaxibo siyaasadeed ah ay ka wada hadleen saddex qodobo oo kala ah:-

1- Xaaladda Gobolka Geeska Afrika
2- Xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal
3- Iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku suganmagaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abby Ahmed oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Addis Ababa u tegay ka qeyb-galka munaasabadda caleema saarka Abiy Axmed oo markale loo dhaariyey xafiiska, wuxuuna ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo hadal badan dhalisay, maadaama uu ka been sheegay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Itoobiya iyo Soomaaliya waxay ku raaxeystaan xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, xiriir shacab-ka-shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu yiri Farmaajo.

Soomaaliya iyo Itoobiya weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, kahor Farmaajo iyo Abiy Ahmed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo loolan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gumeysaneysay dhul Soomaaliyeed.

Si kastaba, Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan xukunkiisa ayuu ka badin waayey.