Somaliland oo jawaab kulul kasoo saartay hadalkii R/W Maxamed Xuseen Rooble

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Debadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ku saabsanaa dadkii laga soo masaafuriyey Magaalada Laascaanood.

“Iyada oo ay ugu wacan tahay hadallo nasiib-darro ah oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka sheegay arrimo ku saabsan mas’uuliyadaha madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay dareensan tahay inay ku khasban tahay inay sharaxaad bixiso,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Debadda.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaraadda Arimaha Debadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu xog aan sal iyo raad toona laheyn uu ka bixiyey dadkii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu doortay inuu gudbiyey akhbaaraad aan sal iyo raad laheyn iyo eedeymo ku saabsan arrimo la xiriira go’aanka sharciga iyo lagama maarmaamaanka ah ee dowladda Somaliland ay ku masaafurineyso shakhsiyaad gaar ah, oo si aan sharci aheyn ku deganaa degmada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay sodonkii sano ee lasoo dhaafay hoy siisay qaxootigii ka soo qaxay deriska Soomaaliya, iyadoo raaceysa waajibaadka bani’aadamnimada ee Somaliland ee ku xusan xeerka caalamiga ah iyo shuruucda gudaha.

Somaliland ayaa qoraalka kasoo baxay ku sheegtay in musaafurinta dadkaan ay aheyd mid gaar ah, oo ku saabsan dhanka amniga iyo codsi ka yimid dadka deegaanka Laascaanood.

“Waa muhiim inaan adkeyno in go’aanka dhulka Somaliland looga masaafurinayo shakhsiyaadka la doortay uu ka dhashay arrimo quseeya amniga, oo ay ka mid yihiin codsi ka yimid bulshada iyo mas’uuliyiinta degmada Laascaanood. Warbixino sirdoon iyo la-tashiyo ayaa bixiyey tilmaamo cad oo ah in shakhsiyaadkan ay halis gelinayeen ammaanka bulshada deegaanka. Sidaas darteed, dowladda Somaliland waxaa qasab ku noqotay inay tallaabo qaado, balse hab si buuxda u ixtiraamaya xuquuqda aadahana dhinacyada, oo ay ku jirto cunno, biyo iyo gabbaad ku-meel gaar ah, iyo ayada oo aan waxyeello hanti iyo mid shakhsi la gaarsiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegtay inay xiriir dhow iyo iskaashi la leedahay dhammaan deriskeeda, iyadoo ay Somaliland si weyn uga taxadareysa arrimaha socdaalka iyo xakameynta xuduudaha, sida ay tiri.

Somaliland ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay kasoo bixi weysay waajibaadkii ka saarnaa dadkeeda, taasoo ay sheegtay inay ku kaliftay inay ciladadeedaha gaarka ah ay u weeciso dad kale.

Waxay sheegtay in Soomaaliya la siiyey lacago badan oo gargaar caalami ah si loogu hormariyo awoodeeda, balse ay awoodi weysay inay xataa sugto ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Somaliland ayaa sheegtay inay yihiin arrimo ka baxsan xuduudaha diblomaasiyadda in “dowladda deriska ah ee Soomaaliya ay faro-geliso arrimaha Somaliland.”

“Daan-daansiga noocan ah looma qaadan doono si fudud, wuxuuna caddeymo dheeraad u yahay in dowladda Muqdisho aan loo arkin saaxiib caalami ah oo la aamini karo, marka ay noqoto nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.