Farmaajo oo sheegay cida ugu horeysa oo ay maslaxada ugu jirto shirka London

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay shirka la filaayo in maalmaha soo socda uu magaalada London uga furmo Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in DFS iyo Maamul Goboleedyada ay mas’uuliyad ka saaran tahay in Somalia ay usoo dhiciyaan guulaha laga gaabiyay oo aysan wali helin Somalia.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaani uu noqon doono mid ka muhiimsan shirarkii hore waxa uuna tusaale usoo qaatay in qodobada laga hadlayo ay yihiin kuwo inbadan ka xiisa badan kuwii hore.

Farmaajo ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid ay maslxad ugu jirto dhamaan Umadda Soomaaliyeed waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan dano gaara oo ay iyaga wataan.

Waxyaabaha maslaxada u ah Umadda Soomaaliyeed ayuu sheegay inay kamid yihiin Amniga iyo in DFS ay dib ula soo laabato awoodeeda isticmaalka Hubka iyo in laga qaado cunaqabateynta.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay kusoo kabaan ducada, si ay guul uga soo gaaran shirka London.

Shirkan, ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain, haweeneyda lagu magacaabo Theresa May.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET