Maxay Masar ka tiri shirka Somalia uga furmaaya magaalada London?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa shaaca ka qaaday inay qeyb ka noqon doonto shirka la filaayo in Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada Somlia uga furmi doona magaalada London.

Dowlada Masar ayaa sheegtay inay ahmiyad gaara siineyso shirarka ay ku midoobi doonaan Soomaalida waxa ayna carabka ku dhifatay in shirka London uu fursad weyn u yahay Somalia.

Engineer Shariif Ismaaciil oo ah Ra’isul wasaaraha Masar ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay Magaalada London si uu uga qeyb galo Shirka.

Engineer Shariif Ismaaciil, ayaa tilmaamay in dowlada Masar ay inbadan ka shaqeysay xalka Somalia, hayeeshee hadda uu arrinka u muuqdo mid xalinta umuuraha Somalia loo weeciyay London.

Engineer Shariif Ismaaciil, ayaa sidoo kale, sheegay in madasha shirka uu ka cadeyn doono Mowqifka Masar ee Somalia.

”Kama gaabin doono inaan garab istaagno Somalia, waxaan diyaar u nahay inaan ka garabsiino dhan waliba waxaana ka hor cadeyn doonaa shirka”

Masar ayaa dooneysa in ay kaalin wax ku ool ah ka geysato arrimaha Qaaradda Africa gaar ahaan Taagerada Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in Somalia doorashadeedii sanadkaan kadib ay dadaal ugu jirto in ay gasho xasilooni Siyaasadeed, islamarkaana ay sameyso kobac dhaqaal si loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed Barwaaqo iyo Horumar intaba.

Shirka London ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Britain, Wasiiro arrimo dibadeedyada Dalal isugu jira Africa iyo Europe.

Geesta kale, waxaa si wada jir ah u wada shir guddoomin doona Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska oo ay wehliso Qaramada Midoobay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET