Yaa dowladda Turkig uga qeyb geli doono shirka Soomaaliya ee London?

Ankara (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa ka qeyb geli doono shirka London Soomaaliya loogu qaban doono  10-12 May, sida uu Ra’isulwasaaraha ku sheegay qoraal si rasmi ah uu u soo saaray.

Sida lagu sheegay qoraalka uu soo saaray Ra’isulwasaaraha, Yildirim ayaa booqasho rasmi ah ku tagi doono London si uu uga qeybgalo shirka halkaas ka furmayo oo looga hadladyo mustaqbalka Soomaaliya inta u dhaceyso  2017-2020.

Dowladda Soomaaliya iyo dowladaha adduunka ee saaxiibada la ah oo ay kamid tahay Turkey ayaa shirka uga qeybgalayo sidii Soomaaliya looga heli lahaa nabad waarto iyo barwaaqo

Intii uu Ra’isulwasaraha Turkiga ku sugan yahay dalka Ingiriiska, wuxuu kulamo laba geesood ah la qaadan doonaa Madaxda Soomaaliya, iyago isku soo hadal qaadi doono dhinaca maalgelint.

Ka qeybgalka shirka London ee Yildirim ayaa qeyb ka ah xiriirka wanaagsan ka dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga taasoo looga bartay inay ka qeyb qaasto nabadeynta iyo horumarka Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET