Afgooye: Diyaarad iyo daw jarid yaa daran? (Xasan Sheekh vs Farmaajo)

Xasan wuxuu degmada Afgooye tagay labo mar intii uu xilka hayey, haddii aanan qaldaynayn.

Labadaa mar, wuxuu ku tagay diyaarad ciidan, kagana soo laabtay. Shacab u danayn, cabsi iyo dammanaan mid ay tahayba.

Xasan waxyaabaha ay ku dhaleecayn Jireen, kuwii qabay cudurka (Xanuun Xasan) waxaa ka mid ahaa, in uu Afgooye ku tagay diyaarad, oo uusan dhulka marin, marka qaraxyada Muqdisho laga soo tago. Eed maangal ah saw ma ahan? Maanta u kaalay.

Formaajo ayaa tagay Afgooye, isagoo dhulka maray, si uu u khilaafo Xasan. Dhacday, ee maxaa ku lammaansan booqashada Formaajo?

Marka laga soo tago, in socdaalku u muuqday QABYAALADD iyo ka la qoqob, ayna kuu caddaynayso sida gayru masuulnimada ah, ee uu u halday Formaajo, haddana waxay eheed booqasho ii dheh iyo is muujin ah. Isbaarada uu Formaajo sheegay, yey u taal? Bal ha noo sheego, haddii uusan is ka hadal?

Tegidda Formaajo ee Afgooye ka hor, waxaa la xiray jidka Xamar iyo Afgooye u dhexeeya, oo laga dhawray gaadiid, dad, xoolo iyo haad duula! Shaqadaa waxaa qabtay Sanbaloolshe, madaxa Sirdoonka!

Jidkaa wuxuu xirnaa, Illaa uu Formaajo ku soo laabtay Muqdisho, oo qarax, dhimasho iyo dhaawac ku galabsatay!

Jidgooyada uu ku kacay Sanbaloolshe, ee uu ugu daneeyey Formaajo, si uu hadallo masuuliyad darro iyo malaayacni ah uga soo jeediyo fadhigaa, waxaa ka dhacay qasaare dhaqaale, xannib dadweyne, xayiraad arday iyo hor istaag xamaalato! Hah!

24ka saac, ee ay jidgooyadu taallay Xamar, Ceelasha Biyaha, Lafoole Illaa Afgooye, waxaa ganacsatada qudaarta ku dhacday, in aysan qudaartoodii suuqgeyn, oo saxaradaha ay ku jirtay ku dhexquruntay. Waa daadin uun!

Ardaydii aqoonta iyo ogaalka u soo aadi jirtay Muqdisho, oo wax ka baran jirtay jaamaadaha Xamar, waxaa ku dhacday maalintaa cashar la’aan, oo waxaa dhaafay darsi aqooneed.

Dadka quutulyoonkooda u soo doonta Muqdisho, maalintaa ma nololraadsan, oo ka dhigan, in aysan dabshidan, qoysaskooduna ku seexdeen qaajo!

Shaqaalaha ka la duwan, ee degaannadaa ka soo shaqodoonta, maalintaa ma shaqotegin, oo wax soo saarkii dhaqaale, ee ay soo saari lahaayeen waa baaqday, oo ka dhigan shilin dhumay!

Intii caafimaad, dawo iyo u soo aadi lahaa Muqdisho dhaqaatir, maalintaa halkaa ayey ku daryeel waayeen!

Marka, aan idin weydiiyee, yaa daran, nin diyaarad is ka raacay, oo aan la dareemin, dantiisiina soo gutay iyo nin dadkii iyo degaankii xannibay, oo dhaqaaqoodii hakiyey?.

Yaa daran, nin intaa oo qasaare dhaqaale iyo dhib abuuray iyo nin diyaarad ku tagay, hadday u badatana dhawr kun ay ku baxday socdaalkiisa?.

Yaa daran, in jid halbowle u ah is ku xirka labada gobol Banaadir iyo Shbeellaha Hoose loo xiro, si uu hal nin u maro iyo in dadka, degaanka iyo isu socodkooda la dhawro, diyaaradna lagu tago?.

Yaa daran, dad jujuube iyo is ka duule? Yaa daran, diyaarad raace iyo dowyaxirte? Nabee ka la daran, dadkana u ka la daran!

F.G: waxaa la igu yiri, Formaajo waa nin naxariis badan, oo dadka u danqada, oo Xasan ka dareen fiican, kana WADDANISAN!

Waa la MURRUGAY!

W/D: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com