Sawirro: Sidee Farmaajo & Hogaamiyayaasha Gobolada dalka looga sagootiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Dalka Ingiriiska.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa wehlinaya qaar ka mid ah Madaxweynayaashada Maamul Goboleedyada Dalka sida Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle.

Madaxtooyada Somalia ayaa sheegtay in shirkaas ay Dowladdu la hortagi doonto Qorshoyaal ku saleysan Baahida Soomaaliya Xiligan ay qabto.

Madaxtooyadu waxa ay sheegtay in Ajandayaasha Shirka London ay kamid yihiin:

1-Arrimaha Amaniga.

2-Kobcinta dhaqaalaha.

3-Siyaasada, dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-Sanao ee soo socota.

Sidoo kale, Madaxda Somalida, ayaa waxaa saacadaha dambe ee Caawa diyaarad kale ka raaci doona Garoonka Ataturk, si ay u sii wataan safarkooda Magaalada London.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, ayaa iyagu horey ugu amba baxay Magaalada London, oo Arbacada berrito uu ka furmi doono shir looga hadlayo arrimaha Somaliya.

Shirkan, ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain, haweeneyda lagu magacaabo Theresa May.