Maamulka G/Banaadir oo soo saaray amar cusub oo hirgalintiisa ay adkaan doonto (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Sheikh Maxamed ayaa waxaa lagu amray dadka isticmaala gaadiidka Raaxada iyo kuwa rakaabka ee ka howlgala KM0-KM4.

Qoraalka amarka ah ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta maamulka Gobolka uu mamnuucay in gaadiid lagu dhaqo hareeraha laamiga ama la dhigto gaadiidka inta u dhexeysa KM0-KM4.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in qofka Dukaameysanayo loo ogol yahay kaliya muda 30 Daqiiqo, isla markaana shaqsigii aan fulin laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Qoraalka ayaa waxaa Taliska Taraafikada Gobolka lagu amray in talaabo sharci ah laga qaado dadka aan u hogaansamin amarka Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa lagu amray in Taraafikada ay qabtaan shaqadaasi loo igmaday, si loo fuliyo amarkaan, iyadoo xalay si la mid ah Guddoomiye Taabid uu soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in gaadiidka la dhigto ama lagu baakimo wadada Maka-almukarama.

Amarada is xigxiga ee kasoo baxaaya Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u muuqanaaya mid lagu shaqo dhigaayo dadka tabaaleysan ee gaadiidka ku meera hareeraha waddooyinka iyo kuwa nasiinada usoo aada goobaha lagu shaaho ee ku yaal hareeraha laamiyada.

Dhinaca kale, dadka magaalada Muqdisho ayaa caado u ah in Gaadiidka ay dhigtaan waddooyinka ugu muhiimsan magaalada waxaana adkaan doonta hirgalinta amarkaani cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com