Jarmalka oo qaadacay ka qeybgalka Shirka London iyo loolan halis ah oo socdo

Dowladda Germany oo ah dowlad awood leh muhiimna u aheyd shirka London ayaa ka dhawaajisay inaysan shirkaas kasoo qeyb geli doonin, arrintaas waxaa si rasmi ah loo soo gaarsiiyey dowladd Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Dowladda Jarmalka ayaa midda Soomaaliya ku eedeysay inay si deg deg ah u aqbashay shirkaas oo aan la garaneyn ujeedka uu Ingiriiska ka leeyahay, waxayna ka digtay in ingiriiska uu doonayo inuu kaligiis isku koobo siyaasadda Soomaaliya si uu saameyn weyn ugu yeesho.

Waxay ka dhawaajisay inaysan macquul aheyn in dowladda Ingiriiska ay kaligeed iska qabsato shir noocaan oo kale, iyadoo sheegtay inaan lagala tashan shirkaan.

Kaliya Jarmalka kaliya maahan dowladaha Yurub ee ka biyo diiday inay ka qeyb galaan shirka London, waxaana jiro wadamo kale oo aan weli si rasmi ah loo ogaan kuwaas oo aan ksoo qeybgeli doonin shirkaas sida ay diblomaasiyiin reer Yurub ah u sheegeen wakaaladda Wararka ee Anadole.

Arrintaan ayaa walaac ku abuuri doonto dowladda Ingiriiska oo ah dowladda soo diyaarisay shirkaan, waxayna dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ka digayaan danaha ay Ingiriiska ka leedahay shirka London.

Waxaa halkaan ka muuqato inuu jiro loolan adag oo u dhaxeeyo dowladaha Yurub kuna saabsan Siyaasadda Soomaaliya, waxayna dowladaha Yurub qaarkood ka xun yihiin in dowladda ingiriiska kaligeed iska qabsato shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale muuqato in shirkaas laga leeyahay dano gaar ah, haddii aysan sidaas aheyn ma jiri laheyn loolankaan adag, waxayna midaas caddeyn u tahay in shirka London uu halis ku noqon doono Soomaaliya

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET