30.9 C
Mogadishu
Friday, March 27, 2026

Farmaajo oo sheegay in Xasan Sheekh uu qaaday waddadii kali-talisnimada kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu qaaday waddadii kali-talisnimada, kadib markii uu xabsi guri geliyay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Shub oo Arbacaddii laga qaaday xilka ayaa hoygiisa Muqdisho la dul dhigay ciidamo badan, kuwaas oo si toos ah ula wareegay mas’uuliyadda ilaalinta guriga iyo sidoo kale bixinta saadka iyo raashinka, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaq kasta oo la xiriira taliyahaasi hore.

“Tacaddiga lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo hoygiisa magaalada Muqdisho la dul-dhigay ciidan, lagana qaaday xorriyaddiisa, waa fal cad oo aargoosi siyaasadeed ah,” ayuu yiri Farmaajo oo war-saxaafadeed soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray: “Wuxuu u muuqdaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu qaaday waddadii kali-talisnimada (dictatorship).”

Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay doorasho diid ka tashaday shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed.

“Beegsiga sii kordhaya ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo Wasiirrada, Xildhibaannada, Saraakiisha iyo masuuliyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageersan qabsoomidda doorashada deegaankooda waxa ay caddaynaysaa in Madaxweynuhu uu yahay doorasho diid ka tashaday shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa uga digay Madaxweynaha Soomaaliya ku takri-fal awoodeed iyo inuu sii wado damaciisa shakhsiga ah, oo uu sheegay inuu halis gelinayo dowladnimada dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

“Annaga oo ku baaqayna in degdeg loo siidaayo Taliyaha la afduubtay, waxaan uga digaynaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaanayo ku takri-falka awoodda.”

Xarigga Taliye Shub ayaa lala xiriirinaya xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon ku haysa hoggaanka maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la wareegtay inta badan magaalooyinka waaweyn ee maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Koonfur-Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, iyadoo weli ciidamo lagu sii wado deegaannada maamulkaasi, taas oo sii adkeynaysa xaaladda taagan, isla markaana keeni karta inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News