FARMAAJO oo si dadban u weeraray MADAXDII ka horreysay – ‘3 dhibaato ayey dhaxashay dowladdeyda’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerar dadban ku qaaday madaxdii ka horreysay, xilli uu maanta jeediyey khudbad ku saabsan xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, oo ku beegan aas-aaska ururkii SYL, 77 sano ka hor.

Hadalka madaxweynaha oo ay baahisay Villa Somalia ayuu ku sheegay in dowladdiisa ay dhaxashay dhibaatooyin xooggan, isaga oo xusay saddex ka mid ah, kuwaasi oo kala ah, sida uu hadalka u dhigay:

1 – Hannaankii dhaqaale ee dalka oo aad u hooseeyey, markii uu xilka qabanayey.

2 – In looga tegay daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalka.

3 – Iyo xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay hadda gaartay guulo taariikhi ah oo ay ku wajahday caqabadahaas, islamarkaana maanta uu muuqdo ifafaalo.

Inkasta oo Farmaajo sheegay in deymo badan looga tegay, haddana ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya deymo ay qaateen madaxdii ka horreeyey, waxaana deynta caalamiga ah ee lagu leeyahay Soomaaliya ay ka timid dowladdii kali-taliska aheyd ee Maxamed Siyaad.

Marka ay timaado hanaanka dhaqaale ee uu sheegay inuu aad u hooseeyey, haddana labada sano ee dhaqaalaah Soomaaliya uu sameeyey kobacii ugu xoogganaa waxay ahaayeen 2014 iyo 2016, markaasi oo GDP-ga dalka uu kordhay 3.7% sanadkiiba, sida ku cad xogta Bankiga Horumarita Africa ee African Development Bank (AFDB),waxaana labadaas xilli dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh.

Kororka ugu wanaagsan ee dowladda Farmaajo ay sameysay waa 2.9%, waana sanadkii 2019.

Marka ay noqoto dhallinyada ku xiran xabsiyo shisheeye, waa run in dowladdiisa ay soo daysay in badan oo ka mid ah, si la mid ah dowladihii ka horreeyey, waxaana weli jira qaar xiran, si la mid ah kuwii xirnaa markii ay xilka ka degayeen madaxdii hore.