Wakhtiga laga yaabo in dib loo furo duulimaadyada Soomaaliya oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa wali xayiran duulimaadyadii ay diyaaradaha ku imaan lahaayeen Soomaaliya sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, balse masuul ka tirsan dowladda ayaa ka dhawaajiyay wakhtiga ay suuragalka tahay in dib loo furo.

Marka laga tago duulimaadyo laga maarmi waayay oo fasax ka hela Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, waxaana jirtay in shalay ay diyaarad qaadaty in ka badan 150 muwaadin oo heysta dhalasho wadamada USA, Canada iyo dalal yurub ah ka dhooftay magaalada Muqdisho.

Saacid Cabdi Celiye oo ah maareeye ku-xigeenka garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay iney jecel yahiin in dib loo bilaabo duulimaadyada, balse ay ku xiran tahay hadba xaaladda uu marayo xanuunka COVID-19.

Lama oga wakhti rasmi ah oo uu furmayo garoonka, balse Saacid wuxuu sheegay iney suuragal tahay bisha Luulyo (July) in dib loo furo, markaas oo qof walba oo kasoo daga garoonka awood loo yeelan karo in laga baaro xanuunka adduunyada dhibaatada ku haya.

Xayiraadda duulimaadyada Soomaaliya ayaan laga gaarin ujeedkii laga lahaa ee ahaa in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka, sababtoo ah marka aad joogto Muqdisho waxaad arkaysaa dadka oo sidii caadiga ahayd u macaamila, mana jiraan wax tallaabooyin ah oo ay qaadayaan si loo yareeyo faafista cudurka.

Sidaas darteed, dad badan ayaa rumeysan inaysan jirin sabab duulimaadyada loo joojiyo, maadaama gudihii dalka, oo ah halka faafitaanka ugu badan ee cudurka uu ka dhici karo aanay xayiraad socdaal ama dhaq-dhaqaaq ka jirin.