KENYA oo ICJ u gudbisay codsi la xiriira kiiska badda iyo Somalia oo ka hor-timid

Hague (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale isku dayeysa in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), sida ku cad dokumentiyo cusub oo ay dirtay.

Arrintan ayaa khilaaf hor leh ka dhex-abuurtay labada dal, ayada oo Soomaaliya ay si xooggan uga hor-timid damaca cusub ee Kenya ay uga baxsaneyso inay cadaaladda wajahdo.

Dhageysiga dacwadda ayaa qorshuhu ahaa inuu dhaco horraanta bisha xigta ee June, hase yeeshee Kenya ayaa maxkamadda ka codsatay in dib loo dhigo muddo aan la cayimin.

Kenya ayaa qiil ka dhigatay cudurka Coronavirus ee caalamka kusii faafaya, ayada oo sheegtay inuu saameyn xooggan ku yeeshay qareenadii ku matali-lahaa maxkamadda, oo sida ay sheegtay ku kala xayirmay dhowr dal oo caalamka ah, islamarkaana isku iman waayey.

Saameyn kale oo Kenya ay ku sheegtay dokumentiga dooddeeda ee dib u dhigista, ayaa ahaa mid dhaqaale, ayada oo ku doodey inay qarash u hayn kiiska, maadaama dhaqaalihii dalka uu hoos u dhacay, sida ay sheegtay, lana dhimay miisaaniyadda dowladda.

Kenya waxay sheegtay inay ahmiyad dhaqaale gaar ah siineyso arrimaha muhiimka ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa dooddan diiday, sida ku cad dokumenti ay iyana dirtay, waxayna Kenya ku eedeysay in marnaba aysan dooneyn in kiiskan maxkamad lagu xaliyo, oo ay daneyneyso meel ka baxsan maxkamadda.

Soomaaliya ayaa xustay inaysan ahayn markii koowaad ee Kenya codsato dib u dhigisa balse ay tahay markii saddexaad, taasi oo muujineysa daacad darrida Kenya. Soomaaliya waxay sidoo kale ashtako ka muujisay cadaadis diblomaasiyadeed oo Kenya ay ku hayso.

Soomaaliya waxay maxkamadda ka dalbatay in kiiska lagu qaado hab muuqaal oo Online ah, sida iminkaba ay maxkamadda sameyso, maxkamado badan oo caalamka ahna ay sameynayaan.

Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda shaaciso go’aankeeda ku aaddan in kiiska uu ku dhacayo waqtigiisa iyo in kale, kaasi oo ah 8-da ilaa 12-ka Bisha June.

Maxkamadda ICJ ayaa 5-tii September ee 2019-kii ogolaatay codsi ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska, waxaana xilligaas ay ballan-qaaday inaan mar kale kiiska dib loo dhigi doonin.