Farmaajo oo soo gaabiyey safarkii CONGO, kuna soo laabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho hal maalin  qaadatay oo uu kusoo bixiyey magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo (DRC).

Soo laabashada Farmaajo ayaa aheyd lama filaan, ayada oo madaxtooyada ay horey u sheegtay in safarka uu qaadn doono laba maalmood, balse lagu soo koobay kaliya 24 saac.

Ma cadda sababta loo soo gaabiyey safarka, hase yeeshee waxaa horey u jiray warar sheegayey in Farmaajo uu walaac ka qabay in inta uu maqan yahay ay xaaladda Muqdisho faraha ka baxdo ama magaalada gacantiisa ka baxdo, maadaama xiisad colaadeed ay ka taagneyd maalmihii tegay.

Safarka Farmaajo ee Kinshasa ayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka geliyey is-beddel cusub, kadib markii uu ka codsaday madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi in isaga oo cayaaraya doorkiisa guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaaliya.

Si kastaba, Farmaajo ayaa sidoo kale soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu galo wada-hadallo ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasi oo u muuqata mid aan suurta-gal aheyn xilligan.

“Waxaan soo dhoweynayaa in Midowga Afrika uu kaalin hogaamineed ka qaato fududeynta hanaan doorasho oo muwaadin kasta uu doorasho xor iyo dhex-dhexaad ah ku doorto wakiiladooda. Dhammaan saamileyda siyaasadda ayaa ka qeyb qaadan doona wada-hadallada mustaqbalka dimoqraadiyaddeena,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraalka uu soo dhigay twitter-ka.