Video: Rooble oo odayaal Habar-gidir ah u sheegay qaabka ay u wajahayaan arrinta Jen. Saadaq Joon

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xalay uu la yeeshay odayaasha beesha Habar Gidir ee taageersan dowladda ayuu ku caddeeyay in dowladda waqtigeeda dhamaaday aysan duulaan iyo weerar ku qaadi doonin taliyihii guud ee ciidamada booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon oo xilkii iyo darajadii todobaadkii hore uu ka xayuubiyay madaxweyne Farmaajo.

Suldaanka beesha Habar Gidir, Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho xalay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu damaanad qaaday in dowladda xiligeeda dhamaaday aysan duulaan ku aheyn deegaanka Shiirkole oo fariisin uu ka dhigtay Jen. Saadaq Joon.

“Ra’iisal wasaarahu wuxuu noo damaanad qaaday in dowladda aysan duulaan ku aheyn Shiirkole, Saadaq-na aysan duulaan ku aheyn arrinkaasina ay jacel yihiin qaab wada hadal ah iyo is-fahan in lagu dhameeyo,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo ka warbixinayay wixii ay isla garteen Ra’iisul wasaare Rooble iyo waxgaradka beesha Habar Gidir.

Suldaan Mahdi Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray welwelka iyo cabsida maalmahaan ka jirtay Muqdisho, isagoona sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii loo baajin lahaa dhibaato soo gaarta shacabka deegaanka Shiirkole degan, islamarkaana aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadkaasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadeen.

Wuxuu tilmaamay Suldaanka in ra’iisul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle ay ku madalaan siyaasadda beesha Hawiye, wixii wanaag ahna ka wada shaqeynteeda ay qeyb ka yihiin cid walba oo dhaqanka ugu horeeyo.

Sidoo kale, wuxuu Suldaan Mahdi uu tilmaamay in xildhibaanada Hawiye ee habeenadaan ku baaqayay difaaca Saadaq Joon inay la kulmi doonaan, isagoona ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale inay nabadda iyo xasilloonida dalka ka shaqeeyaan.