Madaxweyne Farmaajo oo ku dhacay arrintii uu Xasan Sheekh uga digay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu ku dhacay arrin uu toddobaad kahor uga digay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in talada inta ay gacmaha Soomaalida ay ku jirto, gudaha dalkana lagu wada hadlayo uu xal gaaro, haddii uu ka dhega adeegana ka gudbi doonto xerada Afisyooni oo ay gaari doonto in Kambala ama dalalka kale ee Africa, oo uu xal ka raadin doono.

Hadalkaasi ayaa xaqiiq noqday markii uu madaxweyne Farmaajo u ambabaxay dalka DR Congo kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada.

“Maanta waa laga soo tegay Afisyooni ayey joogtaa, Afisyooni waa dhul Soomaaliyeed weli waa caasimadii Jamhuuriyadda, war waa la yaqaan waxaan horaa loo soo arkay Maxamadoow hadaad Buffalo fadhiday adiga, anagaa soo joognay waa la yaqaan wadadaas meesha ay ku dhamaato, berri Kambala yeynan ku dhamaan, waa ku celinayaa maanta meel fiican ayey joogtaa caasimadii dalka ayey joogtaa, Villa Somalia iyo meeshii maqaamka wey ka timid xero ciidan iyo garoonka diyaaradaha ayey maanta joogtaa yey ka bixin beri ee boorsooyinka anagoo sii xerxeraneyno, jaakadaha sii dhuuqsaneyno yaan nala arkin oo aan sii socono,” ayuu yiri Xasan Sheekh Madaxweynihii hore isagoo intaa raaciyay in dadka iyo dalka intaasi ka mudneyn, awood iyo qorina dalka lagu haysan karin.

Hadalkaasi dhaxal-galka ahaa ee Xasan Sheekh ayaa maanta noqday mid dhaboobay, markii uu Farmaajo ka codsaday madaxweynaha DR Congo inuu dhexdhexaadiyo Soomaalida, taasi oo sidoo kale meesha ka saartay dooddii Farmaajo ee aheyd inuusan dooneyn faro-gelin shisheeye.

Tallaabada madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale bahdilaad iyo karaamo xumo ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodii hore oo muujiyay sharaf iyo karaamo inay u taagan yihiin dimuqraadiyad soo jireen ah.

Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa ka dhalatay aqbalaad la’aanta soo jeedinta tallooyinka mucaaradka, maamul goboleedyada iyo in uu ku fashilmay mudo kororsiga labada sano oo uu xaqiiqda ogaaday in aysan soconeyn wax aan raali laga wada aheyn.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, London