Farmaajo oo qoraal cusub ku rajo tiray dhex-dhexaadintii uu ka codsaday M/Afrika

Kinshasa (Caasimada Online) – Saacado kadib markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiag ah ee Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda, ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu soo saaray qoraal durba rajo tiray wada-hadalladaas.

Qoraalladii hore ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxtooyada DRC ayaa labaduba lagu sheegay in Farmaajo doonayo in madaxweyne Félix Tshisekedi uu saamileyda Soomaalida u qabto wada-hadallo lagu gaaro heshiis doorasho, oo aan la shaacin wuxuu yahay. Hase yeeshee saacado kadib ayuu Farmaajo soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu galo wada-hadallo ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaan soo dhoweynayaa in Midowga Afrika uu kaalin hogaamineed ka qaato fududeynta hanaan doorasho oo muwaadin kasta uu doorasho xor iyo dhex-dhexaad ah ku doorto wakiiladooda. Dhammaan saamileyda siyaasadda ayaa ka qeyb qaadan doona wada-hadallada mustaqbalka dimoqraadiyaddeena,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraalka uu soo dhigay twitter-ka.  

Qoraalka madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka muuqata inu weli uu ku dheggan yahay doorasho qof iyo cod ah, oo horey la isugu raacay inaysan suurta-gal aheyn in xilligan ay Soomaaliya ka dhacdo.

Maamul goboleedyada qaar iyo mucaaradka ayaa horey u sheegay ku adkeysiga “qabashada” doorasho qof iyo cod ah ay tahay xeelad uu Farmaajo waqtiga ku luminayo, sababtoo ah afar sano oo uu madaxweyne ahaa xitaa hal maalin kama shaqeyn arrintaas.

Qabashada doorashada qof iyo cod ayaa sidoo kale aheyd qiilkii uu Maxamed Mursal u adeegsaday labadii sano ee sharci-darrada aheyd ee uu ku kordhiyey muddo xileedka Farmaajo iyo kan xildhibaanada golaha shacabka.