Mas’uul sare oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa nooca miinada ah oo maanta ka dhacay wadada Daarulsalaam ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiri dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lala bartilmaameedsaday guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Dayniile, Cabdi Maxamed Maxamuud, kaas oo dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi, kadib u geeriyooday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amnmaanka Soomaaliya oo howl-gallo kooban sameeyey halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana muddo kooban uu hakad ku yimid dhaq-dhaqaaqa wadada gasha xaafadda Daaru-Salaam.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dhacdadaasi.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.