Madasha Badbaado Qaran oo dalab xasaasi ah u dirtay Golaha Ammaanka QM

Muqdishi (Caasimada Online) – Madasha la magac-baxday bad-baado qaran oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka, guddoomiyaha aqalka sare, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa fariin la xiriirta xaalada dalka u dirtay golaha amaanka ee QM.

Qoraalka ay madasha la wadaagtay golaha ammaanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta muddo kororsiga.

Madasha bad-baado qaran ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay si weyn uga soo horjeedo go’aanka Golaha Shacabka uu ku ansixiyey qaraarka labada sano ah.

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale madasha bad-baado qaran ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in fariintooda laga aqriyo golaha hortooda.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabada ay qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka ay khatar ku tahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay xaalad cusub, kadib muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo fashilka ku yimid wada-hadalladii doorashada.