Madaxweynihii dalka Chad oo lagu dilay furinta hore ee dagaal ka socda dalkaas

N’Djamena (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby ayaa lagu dilay furinta hore ee dagaalka u dhaxeyo Dowladda iyo kooxda fallaagada kadib 30 sano  oo uu xoog ku heystay awoodda dalkaas sida uu sheegay telefishinka Qaranka Maanta oo talaado ah.

Toogashada loo geystay Idriss Deby ayaa kuso aadeyso hal maalin kadib markii 68 jirkaan la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas taasoo u ogolaatay inuu markii lixaad ku guuleystay kursiga madaxweynimo.

Ciidanka ayaa sheegay in Idriss Deby uu ka shaqeenayey diyaarinta ciidanka ku jiro furinta hore ee dagaalka lagula jiro fallaagada oo duulaan weyn kusoo qaaday waqooyiga dalkaas maalintii doorashada socotay.

Deby “wuxuu hadda neefsaday neeftiisii ugu dambaysay isagoo difaacaya qaranimada xilli uu ku sugnaa aagaga dagaalka,” ayuu ku yiri hadal uu ka akhriyay telefishanka qaranka afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna.

Deby oo 68 ah ayaa gacan bir ah ku xukumayey dalka Chad mudo 30 sano ah, laakiin wuxuu xulafo muhiim ah u ahaa olole ka dhan ah jihaadiyiinta reer galbeedka ee gobolka dhibta ka taagan ee Saaxil.

Ciidanka ayaa sheegay in gole militari oo uu hogaaminayo wiil uu Dhalay madaxweynaha dhintay oo lagu magacaabo Mahamat Idriss Deby oo 37 jir ah, oo ah jeneraal afar xidig leh uu badali doono.

Isniintii, ciidanka ayaa “guul weyn” ka gaaray dagaalka ay kula jiraan fallaagada ka socota dalka ay deriska yihiin ee Libya, iyagoo sheegay inay dileyn 300 dagaalyahanno, sidoo kalana wuxuu ciidanka sheegay in dhankooda laga dilay 5 Askari kadib dagaal socday 8 Maalin.

Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka.

Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika.